Weli Ma Is Weydiisay Haddii Diyaaradda Oo Hawada Ku Jirta Uu Albaabku Furmo?

 

 

Washington (Togaherer)- Qof kasta oo diyaarad raacay waxa uu sida caadiga ah arkaa shaqaalaha diyaaradda oo inta aanay si rasmi ah u wada kicin dadka siinaya tilmaamo iyo tusaaleyaal badbaadada qofku ku xidhan tahay. Waxyaabaha dadka la baro waxaa ka mid ah sida haddii xaalad degdeg ahi timaaddo uu u isticmaali karo ogsajiinta, iyaga oo tuumo ogsajiin oo ay gacanta ku hayaan qofka tusa sida uu sanka iyo afka ugu daboolayo iyo halka uu marka hore tuumada kala soo baxayo. Arrimahan marka ay shaqaalaha diyaaraddu kuu tilmaamayaan waxa ay u muuqdaan kuwo aad u fudud, laakiin su’aashu waxa ay tahay sidaa fudud ee ay u muuqdaan ma u sahlanaan doonaa ku dhaqankoodu, haddii xaalad degdeg ahi dhacdo? Qofku si dhib yar ma u awoodi karaa in xaaladdaas oo kale uu haleelo in tuumbadan ogsejiinta sanka iyo afka uu ku xidho? Tusaale ahaan ka fikir cadaadiska hawada ee diyaaradda gudaheeda oo si kedis ah hoos ugu dhacay iyada oo ku duulayaysay joog dhulka ka sarreeya tobannaan kun oo mitir! Hoos u dhaca kediska ah ee cadaadiska hawada diyaaradda gudaheedu waxa uu yimaaddaa marka tusaale ahaan daaqadi jabto, waxa se uu ugu sii daran yahay marka diyaaradda oo hawada ku jirta uu albaabka diyaaraddu is furo. Cilladahan oo ah kuwo dhici kara, gaar ahaan haddii laga gaabiyo daryeelka xaaladda diyaaradda iyo dayactirkeeda.

 

Haddii albaabku sidaas kediska ah u furmo waxa markaba diyaaradda bannaanka uga soo booda / dhaca dhammaan dadka fadhiya kuraasta ka agdhow diyaaradda. Waxaa si kedis ah hoos ugu dhacaya heerkulka gudaha diyaaradda oo gaadhaya illaa heer baraf ay hawadu noqoto, isla markaana waxaa bilaabanaya in diyaaraddu ay waslado u kala googo’do.

 

Marka uu sidaa dhaqsaha ah hoos ugu dhaco cadaadiska hawada ee diyaaradda gudaheeda, dadka rakaabka ah ee da’da qaangaadhka gaadhay waxa ay xaaladdan u adkaysan karaan ugu badnaan 15 illaa 20 ilbidhiqsi, kadib waa ay miyir doorsoomaan. Suurtogal ayaa ay noqon lahayd in qofku uu ilbidhiqsiyadaas yar uga faa’idaysto in uu xidho Ogsejiinta isla markaana ilmihiisa ag fadhiya u xidho, laakiin caqabadda ugu weyn ee soo baxaysa marka uu cadaadiska hawadu dhaqso hoos ugu dhaco ayaa ah in qofka maskaxdiisu ay ku jaahwareeri karto arrimo badan oo ay tahay in uu qabto.

 

Calaamadaha lagu garto hoos u dhaca cadaadiska hawada ee diyaaradda gudaheeda:

 

Waxa ay xeeldheerayaashu sheegeen in calaamadaha lagu garan karo hoos-u-dhaca cadaadiska ay ka mid tahay qofka oo ilbidhiqsi gudihii carrabkiisa ku liqa, dhegaha oo aad u xanuuna, ilkaha oo uu ka dareemo xasaasiyad xanuun aan la rumaysan karin leh. Haddii aanu qofku markaba miyir beelin, khatarta ugu weyn ee ku imanaysaa waa ogsajiinta oo ku yaraata, garaaca wadnaha oo hoos u dhaca iyo xaalado la mid ah oo qofka geeri ku keenaya. Dhacdooyinkaas qofka ku imanaya marka cadaadiska hawadu hoos u dhaco waxa ay qofka ku keenaysaa in maskaxdu ku mashquusho arrimo badan oo ay keento in uu xasuusan waayo in uu sidaas dhaqsaha ah ogsajiinta u xidho.

 

In albaabku furmaa sidaa uma sahlana

 

In kasta oo albaabka diyaaradda oo furmaa ay tahay arrin dhici karta, haddana waxa ay xeeldheerayaashu sheegayaan in ay adag tahay in uu albaabku furmo, waayo kala duwanaanta cadaadiska ka imanaya diyaaradda dibaddeeda ee adka u badan iyo cadaadiska yar marka loo eego kaa hore, ee diyaaradda gudaheeda ka imanaya ayaa aan suurtogal ka dhigayn in albaabka diyaaraddu uu furmo.

 

Ugu dambayna talada ugu adag ee ay xeeldheerayaashu jeedinayaan waa in qofka rakaabka ahi ku dadaalo in uu suunkiisa kursiga xidhnaado iyo in uu si fiican u xafido sanduuqa tuumbada Ogsajiinta kala soo baxayo, isaga oo si fiirsi ahna uga boganaya tilmaamaha badbaadada ee ay shaqaalaha diyaaraddu bixinayaan.

Geeska Afrika

Advertisement

Ku Xayeysiiso