“Raggii U Soo joogay Khilaafkii Golaha Wakiillada ee 1993-kii Ayaa Ka Taliyey Xalinta Khilaafka Golahan ee la soo af jaray” Axmed Yuusuf Yaasiin

 

“Raggii U Soo joogay Khilaafkii Golaha Wakiillada ee 1993-kii Ayaa Ka Taliyey Xalinta Khilaafka Golahan ee la soo af jaray” Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Togaherer)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay khilaafka Golaha Wakiilada ee la soo af jaray, waxaanu sheegay inuu si gaar ah ugu mahad naqaayo cid walba oo xalinta khilaafkan gashay, waxaanu Cabdiraxmaan Talyanle, ku bogaadiyey tanaasulka uu sameeyey, halka uu Baashena ugu hambalyey xaqiiqada  dhabta ah ee uu waajahay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,   ayaa sidoo is barbar dhig ku sameeyey khilaafka Golaha Wakiilada ee hadda la xaliyey iyo khilaafkii Wakiilada ee 1993-kii, oo uu sheegay inuu salka ku yahay Dastuurka, waxaanu tilmaamay in khilaafkaasi keenay in Goluhu laba u qaybsamo, muddo aad u dheerna uu jiitamaayey, balse wuxuu guul ku tilmaamay in khilaafka hadda ee Wakiilada sida ugu haboon loo xaliyey, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Waxaan hambalyeynayaa is ixtiraamka iyo is aqbalaada ka dhex dhacday Golaha Wakiilada, kaas oo aan anigu hore uga baqaayey in Golahani noqdo sidii Golihii Wakiilada ee 1993, Golahaasina wuxuu isku khilaafay Dastuur uu soo sameeyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Dastuurkaas oo la hor keenay Golihii Wakiilada, oo uu Guddoomiye ka ahaa Xaabsade, Cabdiraxmaan Baydaani-na uu ka ahaa Guddoomiye ku xigeen, Dastuurkaasna waxa dabada ka riixaysay Xukuumadda, oo doonaysay in lagu bedelo axdi qareemadkii, Golahaasna waxa dhex galay khilaaf, iyadoo Xildhibaanadii u kala jabeen laba qaybood, oo qayb uu hogaamiyo Xaabsade iyo qayb uu hogaamiyo Baydaani, khilaafkiina wuxuu galay Shir gudoonkii, sidaas maanta oo kale, dabadeed Golihii wuu fadhiisan waayey, oo muddo dheer baa la kala maagay, ilaa uu dhacaayey shirkii 1997, taas oo Dastuurkii uu Cigaal sameeyey, iyo kii Goluhu uu sameeyey, loo saaray Guddi, oo la isku badhxay, taas oo nuqulkii ugu horeeyey ee Dastuurka la soo saaray, khilaafkaasina muddo dheer buu soo jiidaamayey, waxaana se ka baqaayey hadda in Golaheena maanta ee 2017, inuu galo khilaaf kaas oo kale”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey qaabka loo dhammeeyey khilaafkan Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Raggii u soo joogay khilaafkaas hore ee Golihii Wakiilada ee 1993, ayaa ka taliyey xalinta khilaafkan, Baashena wuu ku  dhiiraday,  inuu wajaaho xaqiiqada dhabta ah, haddii uu Goluhu sidaas ku sii socdana, waxa dhab ah in aanu hogaamin karayn, waana arin geesinimo leh, waxaana hambalyeynayaa Baashe, waxaana sii hambaliyeynayaa Cabdiraxmaan Talyanle, oo isna qaatay mawqif weyn, oo Qaranka Somaliland wax weyn u taray, 82 Xildhibaana, waxay ka taagan yihiin Somaliland oo dhan, oo Xildhibaan walba cod buu ku fadhiyaa, khilaaf dhib weyn u geysan lahaa qaranimadeena ayaa maanta la xaliyey”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey cidii khilaafkan dhammaysay, ayaa yidhi “Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada, ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Cabdiqaadir Jirde, oo in badan Barlamaanka ku soo wada jirnay, oo garanaya xaqiiqada dhabta ah iyo Xirsiba, iyo cid walba oo khilaafkan xaliyey, waan hambalyeynayaa, waxaana leeyahay ILLAAHAY garabkiina ha galo”

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso