Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

 

Hadal xumadu waa wax la liidey oo la diidey ayna fogeysay diinta islaamku, carrabka  waxa lagu tilmaamay seef meesha ay seeftaasi goysana  aanu dhakhtarku xitaa dhayi Karin, dadkuna way ku kala dhintaan hadal xumada iyo erayada gefka iyo gurracu ka muuqdo.

 

Baribaa waxa layidhi gabadh baa nin ay jaar ahaayeen ceebaysay oo cid walba ku tiri hebel waa tuug, markii danbe ayey boolisku xidheen markii uu muddo jeelkii ku jirey ayay cadaatey inaan wax danbi ah oo arintaa la xidhiidha lagu hayn deedna layskasoo daayey.

Dabadeed gabadhii ayaa maxkamadii looga yeedhay si danbigaa been abuurka ah loogu qaado, waxa ay ku andacootey inaaney waxba u gaysan ninka, kaliya ay wax ka sheegtay.

Ninkii qaadiga ahaa oo runtii caqli u saaxiib ahaa ayaa ku yidhi orod oo gurigaagii tag dabadeed warqado soo qaad wax kasta oo aad ninkaa ka sheegtayna ku qor dabadeed jar jar oo kidif waxaadnad ku tuurtaa laamiyada, sidii ayey yeeshay xilligii balantu ahaydna way soo noqtay si ay ugu sheegto inay fulisay wixii uu faray, qaadigii wuxu ku yidhi hadaba berri waraaqihii soo ururi oo ii keen, gabadhiii intay yaabtay ayey ku tiri Qaadigii oo sideen u keeni karaa dabayshaa midba meel gaysee xataa lagama yaabo inaan xabad kaliya soo helo.

Waxa uu ugu jawaabey haddaba hadalkaagiina waa sidaasi oo  kale meel walba wuu ka dhacey cidkastana way maqashay, ninkaana sumcadiisii iyo sharaftiisi waadigaa meel kaga dhacey oo soo noqosho maleh, halkii ayaa gabadhii lagaga qaadey talaabo sharciga waafaqsan.

 

U jeedadu waxey tahay waayadan danbe waxaynu aragnaa ama maqalnaa dhalinyar badan oo siyaasadii amaba waxa loo yaqaano (Politics) qalad u fahantahay oo moodaya in qofka aad taageersantahay ka ay tartamayaan la af lagaadeeyo, ceebihiisana iyo gafafka ka dhaca la baadi goobo laguna raad joogo. Qofkasta waxa uu xaq u leeyahay inuu codka doorashada wadanka uu ka dhashay amaba uu sharciga ka haysto dhiibto, cidda uu taageerayo iyo sida uu u taageerayana xor ayuu u  yahay waxaase aan wanaagsanayn dhaleecaynta, canbaareynta  & kutidhi ku teenka aan sal & raad toona lahayn ee laysla daba socdo. haddaynu nahay umad haysata diinta Suuban ee Islaamkana waynu kasii xag jirnaa dadyawga diimaha kale haysta. oo quraan & axaadiisba waynu ku haynaa in aan qofka sharaftiisa iyo karaamadiisa meel lagaga dhicin, ceebaha iyo goldaloolada dadka la ilaaliyo oo aan umadda loo bandhigin.

 

Waxaynu dadka kale sii dheer nahay laablakaca aan arag-fogaanta lahayn ee ina haysta iyo habka badankeenu ku taageeraan dadka ay doonayaan in ay maamulka u dhiibtaan sida madax-weyne, ku xigeen IWM, taasi oo ah hab qabyaaladeed amaba midkale oo qalooc & qudhun sal ku leh lakiinse aan ahayn mab,da xisbiga iyo barnaamijyada ay isku iib-geynayaan musharaxiintu, taasi oo keenta  cawaaqib xumada aynu imikaba la daalaa dhaceyno.

 

Wax xal ah oo lagu gaadho haba yaraatee ma jirto in qof la caayo ama la aflagaadeeyo oo aan ka ahayn in intaa badelkeedu adna cid kale kaaga timaado, wakhtina kaaga lumo aakhirona aad ku cadaab mudan karto.

 

Waxan kusoo gabo gabeynayaa in laga fiirsado wararka aan la hubin ee lagu baahinayo baraha bulshada, madaxda iyo shakhsiyaadka la ceebaynayo iyo khaladaadka dadka oo la buunbuuninayona laga dheeraado. Ogow berri baad halkaas oo kale iman doontaa sidii aad dadka ka yeelaysay uunbaa lagaa yeeli, qof aan khaldamina ma jiro aduunka Illaahey  baa (SW) xumaan ka nasahane Aadame waa gafaa kaad jeceshahay iyo kaad necebtahayba taas waa inaad garwaaqsataa.

 

Dhalinyarta dalkeyga waxaan leeyahay wakhtiga ka faa,iideysta oo isku daya inaad saxdaan wixii ay Aabayaashiin iyo Awowyaashiin sixi kari waayeen dunidii way socotee yaan laynaga tagin intaynu waa la yidhi baa la yidhi bay yidhaahdeen ku foogan nahay.

 

 

 

Waad Mahadsantihiin

 

 

 

 

 

 

WQ: Hibo Ciise Maxamed

Advertisement

Ku Xayeysiiso