Gudaha Ka Eeg : Siyaadi C/kariim Axmed Mooge Oo Ka Hadlay Ku Biiristiisa Saddexda Xisbi Qaran

Siyaasi C.kariin Axmed Mooge ayaa cadeeyay in aanu gali doonin saddexda Xisbi Qaran .

Waxaanu Sidaasi ku cadeeyay Qoraal uu ku baahiyay Bartiisa Facebook, Oo u dhignaa sida tan .

“In badan ayay ummaddaydu iga sugaysay in aan cadeeyo hadii aan ku biirayo sadexda xisbi qaran ee Somaliland mid’uun! Markaan u talo badsadey, ruugay een rogrogay talooyinkii iga yimid bulsho weynta reer Somaliland, tixgaliyayna inta aan mab’da wadaagta nahay talooyinkoodi waxaan go’aansadey:

In anan sadexda xisbi qaran midna ku biirin wakhtigan xaadirka ah, waxaan ahaan doona samo-talis dhex-dhexxaad ah oo ka shaqeeya isku-xidhka bulshada, midnimada iyo wadajirka ummada.

Waxaan si wadi doona Ololihii Cidhibtirka Qabyaalada si aan u gaadhsiiyo meel Ebyoon. Waxaan dadaal nafhuris ah u gali doona In aan shacabkayga gaar ahaan dhalinyarada u iftiimiyo arimaha ka daahan ee saamaynya taban ku leh mustaqbalkooda.

“ALLOW DAL WANAAGSAN, ALLOW DAD WANAAGSA IYO DAWLAD WANAAGSAN”

Advertisement

Ku Xayeysiiso