Gabay cusub oo la magac-baxay Hoga-tusaale. Abwaan Xiiray .

Gabayga hoga-tusaale wuxuu soo baxay 14/8/2017. Gabaygu wuxuu ku saabsan yahay sida ay muhiimka u tahay in shacabka Somaliland ee codbixiyeyaasha ahi aanay xisbiyada siyaasadda ku taageerin hab qabali ah, maadaama hadda ay socoto xamaasad la xidhiidha doorashada madaxtinimada oo lagu wado haddii alle idmo inay dalka ka qabsoonto bisha November ee sannadkan.

Haddaba, gabayga Hoga-tusaale oo xambaarsan waano iyo hawaala-waran sawir ka bixinaya xaaladdaha taagan, sida lagaga bixi karo iyo sida loogu baahan yahay in danta guud loo midoobo, iyadoo muhiimadda la siinayo doorashada cidda loo arko inay hoggaamintiisa danta dalku ku jirto, balse aan laga eegin dhinaca qabiilka iyo xigtada midna, wuxuuna gabaygu ku bilaabmayaa sidan;

  • Gobanimo hadhuubkeed, anoo karaya haaneedka
  • Cad quudheed u hoogaansigii, u hunguroon maayo

 

  • Anoo gabay ku haasaawin kara, heel wax garad joogo
  • Af-qalaad intaan la hor imaad, kuma hadaaqaayo

 

  • Hiddiyo dhaqankii soomaaliyeed, aniga oo haysta   
  • Hadh intaan ka suudalo mid kale, uma hiloobaayo

 

  • Anoo helaya maro aan xidhoo, hu’ga i leekaata
  • Qaar aan hilbaha ii asturin, kuma hillaanaayo

 

  • Carri hodan ah anigoo hantoon, ruuxna igu haysan
  • Hawl yaraan intaan uga dhunboho, kama hayaamaayo

 

  • Anigoo hadhuudh beeran kara, lagu hamuun gooyo
  • Qamadigay baxshaan hay’aduhu, uma hawoonaayo

 

  • Haleelada gu’gii ii dhashoo, hibitiq laynaysa
  • Horor kiyo waraabaha candhada, hiiga odhan maayo

 

  • Anigoon hir doog iyo caleen, hamasha waayaynin
  • Abaar-dhowr habaas iyo hanfi leh, hoy ka dhigan maayo

 

  • Hub cadaawahaygoo sitoo, ila hareer jooga
  • Hiil walaalkii ii noqon lahaa, hanaqa goyn maayo

 

  • Hilo durugsan anigoo watoo, kor u hayaamaaya
  • Intaan quus hankayga u bedelo, hoos u dhigi maayo

 

  • Anoo hilinka loo maro aqaan, guusha helisteeda
  • Meel aanu haabkeedu jirin, kuma harraadaayo

 

  • Qarannimo anoo heli kariyo, haybad lagu dhaato
  • Qabiil aan hungiyo ciil ka korin, laygu hodi maayo

 

  • Anigoon horseed iyo kartiba, hubin inuu leeyay
  • Xisbi inaan ku taageero hayb, layga heli maayo

 

  • Anigoo hoggaan dooran kara, horumar ii raadsha
  • Maatadiisa heeryada ka cune, uma hibaynaayo

 

  • Siyaasiga tollaayeey hawo ah, iigu habar sheegta
  • Hog intaan dantii guud ku rido, tiisa hidin maayo

 

  • Huuhaada ololaha intuu, rag isku hiifaayo
  • Af-xumiyo intaan qadaf hollado, hoodhi kari maayo

 

  • Xidid iyo xigaal aan huq iyo, hadimo ii gaysan
  • hebel maydu nala doorataan, uma hujoomaayo

 

  • Anigoon samaha hiifahayn, u habranayn ruuxna
  • Waxan himiladayda u dilaa, ima horyaallaane

 

  • Anoo shacabka ugu hiilin kara, hoga-tusaalaynta
  • Intaan hilayga maansada u xidho, hagar u dayn maayo

 

  • Hawraarta maantana adaan, kuu hawalayaaye
  • Dadkaygow dantaada u heshii, kugu hareeraysan

 

  • Oo waxaanad hurahayn midnimo, ugu hubsiin yeelo
  • Oo jilibbo hayb hayb ah yay, hebello kuu qaybsan.

 

W/c; Cabdiraxmaan xiiray

cabdiraxmaanxiiray1@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso