Gudaha Ka Eeg :“Muuse Wuxuu Ku Sidkan Yahay Siilaanyo, Kulmiyaha Maantuna Wuxuu Ku Sidkan Yahay Kulmiyihii Axmed Siilaanyo, Waa Isku Mid, Libtuu Laahana Wuu La Leeyahay, Liba Uu Muuse Keeno Maanta Siilaanyo Waa La Leeyahay.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxeyne xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey deegaanka Dayaxa gobolka Sanaag.

 

Wasiirka Madaxtooyada oo ka mid ahaa masuuliyiinta weftigaasi oo meel fagaare ah kal hadlay dadweynaha reer Dayaxa ayaa  yidhi “  Ugu horayn ILAAHAY ayaa mahad leh, mar labaadna Waxa milgo iyo maamuus leh dadweynaha, waxgaradka, waayeelka iyo dhalinyarada nagu soo dhaweeyey magaaladan quruxda badan ee Dayaxa, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Dugsiga Dayaxi waa goob taariikhi ah, Dayaxa raggii wax ka bartayna waa hadlay, ragii macalimiinta ka ahaana qaarkoodna waa kuwii halkan ka hadlay, raguna waa is muuq le’egyahay, wax badan ayaa halkan ka soo baxay Axmed Xasan Cigaal oo yidhi 1963-kii ayaan macalin ka ahaa, iyo waxa wada socda rag aan dhalanba xiligaa, noloshaa sidaas ah, maanta waa is muuq le’eg yihiin.”

 

Wasiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray “ Shalay waxaannu joognay Hadaaftimo gurigii dhaqanka iyo saldanada guunka ah ee gobolka Sanaag, maantana waxaannu joognaa gurigii aqoonta iyo siyaasada, KULMIYE sidaas ayuu u kala yaqaanaa deegaanda iyo goobaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, meel waliba taariikh ayey leeyahay, meel waliba way wanaagsan tahay, meel hoosaysaa ma jirto, meel walba waxay ku wanaagsan tahay in loo qiro ayaa wanaagsan, halkani waa Dayaxa hadii soo dhaweyn iyo calamo badan oo KULMIYE ah lagu arko waxa weeye sax. Halkani waa meelihii KULMIYE laga taageeri jiray waa dhulkii looga codayn jiray, gobolka Sanaag wuxuu ahaa goboladii horumarka ka dib-dhacay isaga iyo Sool, ummadda wixii soo gala in laga xaqsooro ayaa waajib ah, Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee madaxweyne Siilaanyo waxay ku talaabsatay horumar, waxay ku talaabsatay horumar aan cidi dafiri karin, bulshada Somaliland ee caqliga badan ayaa ka markhaati kacaysa, reer Sanaag-na way garanayaan, wixii ka qabyo ahna way garanayaan, wixii loo qabtayna ma difi karaan, waxa ka qabyo ahna ma diidi karno, Gobolka Sanaag waxaanu ku dadaalnay in aannu soo gaadhsiino gobolada kale.”

 

“ Macnaheedu maaha wax walba waa la qabtay, se waa la dadaalay, taasi waxa ka markhaati kacaysa in aan KULMIYE lagu hoogin dadkii shalay u codeeyeyna aanay isku ciilkaan biyin, waxa ka markhaati ah hadii guul darro jirto maanta KULMIYE iyo Muuse Biixi midna sidaa looma soo dhaweeyeen, Muusow cod-baanu ku siinaynaana la yidhaahdeen, Muuse wuxuu ku sidkan yahay Siilaanyo, Kulmiyaha maantuna wuxuu ku sidkan yahay Kulmiyihii Axmed Siilaanyo, waa isku mid, libtuu laahana wuu la leeyahay, liba uu Muuse keeno maanta Siilaanyo waa la leeyahay.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena ka hadlay muran ka taagan Dhoofka Faleenka waxaanu yidhi “

Arrinta beeyada hal baan ka leeyahay, gobolkani waa gobol caan ku ah beenyada, xabkaha iyo faleenka waa qaniimada ILAAHAY (SWT) siiyey, waa waxyaabaha xisbiga KULMIYE doonayo inuu xoog saaro, muddadii hore xoog maanu saarin oo waxyaabo badan oo kale ayaannu kaga mashquulnay, Madaxweynuhu hay’ad ayuu u sameeyey, hay’adaasi waxay astaan u tahay danaynta la danaynayo xabkaha iyo faleenka oo qaniimada qaranka ka mida, xisbiga KULMIYE bartilmaameed ayey u tahay guddoomiye Muuse-na maalin dhawayd waa kii ka waramayey, Madaxweynuhu hay’adaas wuxuu u magacaabay maareeye iyo Maraaye ku xigeen, waxa dhinaca ganacsiga iyo iib-gaynta ay hoos imanaysaa Wasaarada Ganasiga, dhinaca dhirta iyo xanaanadeedana waxay ka wada shaqeeyaan Wasaarada deegaanka, Hay’addaas muran looma abuurin, Madaxweynuhuna uma abuurin in lagu murmo iyo in laysku qabsado, cid gaara iyo shirkad gaar ahna ma siin, waanu calaamadinaynaa, shirkadaha tartamaya Wakaaladaasi waa u dhex, masuulkeeduna waa u dhex, Cabdilaahi waa nin waayo arag ah, oo dhaqan yaqaan ah, oo ruug cadaaya, waxaanu aamin-sanahay in aanay iskaga khaladmi karin tartanka shirkadaha beenyada, iyo Wakaalada dhexdhexaadnimadeedu, xeerar baana loo samaynayaa, nidaam ayaa loo samaynayaa Ummaddana waa u dhex, munaasibadan waxaan uga faa’iidaynayaa dareenkii madaxweynuhu ku sameeyena waa sidaa, aragtida aannu ka leenahayna waa sidaa.”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso