Gudaha Ka Eeg :“Waxaannu Socdaal Ku Tagnay Magaalada Hadaaftimo Xarunta Saldanada Guud Ee Warsangeli, Halkaas Oo Uu Martiqaad Iyo Hadhimo Sharafeed Noogu Sameeyey Suldaanka Guud Suldaan Saciid Sul. Cabdisalaam.” Wasiir Maxamuud Xaashi

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxeyne xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi o ku guda jira socdaal la xidhiidha wacyigelinta kaadh qaadashada ayaa noqday murrashax Madaxweyne kii u horreeyey gaadha deegaanka Hadaaftimo oo hoos tagta Gobolka Badhan ee bariga Somaliland.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi oo weftigaasi ballaadhan ka mid ahaa ayaa ka hadlay Ujeedada socdaalkooda, waxaanu yidhi “ Wefti ka tiran Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE oo aan ka mid ahay oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaannu maanta socdaal ku tagnay magaalada Hadaaftimo xarunta saldanada guud ee beelaha Warsangeli halkaas oo uu martiqaad iyo hadhimo sharafeed noogu sameeyey Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire aad iyo aad baanu ugu mahad-naqaynaa dadweynihii faraha badnaa, waxgaradkii, waayeelkii, cuqaashii, qoorweyntii iyo Suldaanka guud oo halkaa si diiran oo kalgacal iyo walaaltinimo leh noogu soo dhaweeyey.”

 

Wasiirka Madaxtooyada oo arrimahan kaga hadlay hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisaf Facebook ayaa sidoo kalena sheegay in Siyaasada Xukuumadda KULMIYE ee bariga Somaliland ay athay mid midho dhashay waxaanu yidhi “Socdaalkayagani wuxuu la mid yahay socdaaladii aannu dadka ku dhiirigalinaynay inay qaataan kaadhka codbiyeyaasha, iyada oo diiwaangalintii si fiican ugu qabsoontay magaalada Hadaaftimo hadana kaadhkii si wacan looga qaadanayo. Xukuumadda xisbiga KULMIYE waxa siyaasadeeda saldhig u ahayd inay qarankan ka suuro-galiso nabadayn, inay bulshadiisa midnimadeeda adkayso, si loo taabo-galiyo qaranimada. Waxa muddadii aannu dalkan taladiisa haynay marka laga tago horumarka aannu ku talaabnay, waxaannu deegaanada gobolada beri ka suuro-galinay nabadayn, dib u heshiisiin, maamul fidin iyo horumar, kuwaasi waa kuwa suuro-galiyey in aannu socdaalo ku gaalaa-bixino Dharkayn-geeye, Kala-baydh, Xudun, Awr-boogays, Fiqi-fuliye iyo Hadaaftimo oo aannu maanta ku soo gunaanadnay socdaalkayagii jiidahaas.”

 

“Qaran midaysan oo ummadiisu niyad-sami ku wada-nooshahay oo qaniimadiisana si siman loo qayb-sado ayaa taaba qaada oo tis qaada, waa siyaasada xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo uu salka u dhigay, waana ta uu mustaqbalka fulin doono murrashaxiisa Mudane Muuse Biixi Cabdi.” Ayuu ydihi Wasiir Maxamuud Xaashi.

 

Dadweynaha deegaannada Hadaaftimo ayaa Soo dhawayn aanay u kala hadhin ku qaabilay weftigaasi, iyada oo kumanaan qof oo rag iyo dumar ahi isugu soo baxeen meel qiyaastii masaafo dhan 5KM ka baxsan Hadaaftimo iyo ilaa dariiqyada gudaha magaalada, kuwaasoo iyagoo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE soo bandhigay taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka iyo xukuumaddiisa si qiimo badana u qaabilay weftiga Guddoomiyaha KULMIYE.

 

Suldaanka guud ee deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Sul. Cali Shire ayaa hadal ay madasha ka jeediyey si milgo iyo sharaf leh ugu soo dhaweeyey Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa, waxaanuu halkaasi ka caddeeyey taageerada ay u hayaan inuu noqdo madaxweynaha beddeli doona Madaxweynaha hadda xilka haya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad qiimo badan oo taabanaysa dhinacyo kala duwan sida nabadgalyada, horumarka, doorashooyinka, wax-wadaqabsiga iyo arrimo kale u jeediyey bulsho-waynta deegaanka Hadaaftimo.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso