Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha KULMIYE oo Booqday Deegaanka Hadaaftimo .

Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqday murrashax Madaxweyne kii u horreeyey booqda deegaanka Hadaaftimo ee bariga Somaliland oo ah guriga saldannada ugu facawayn Somaliland.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo ku guda jira socdaal la xidhiidha wacyigelinta kaadh qaadashada gobollada Sanaag iyo Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin deegaanka Hadaaftimo oo uu si gaar ah ugu martiqaaday suldaanka guud ee deegaankaasi Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey maanta degmada Yubbe iyo weliba deegaanka Jiidali oo dhinaca Bari kaga magaalada Ceerigaabo, halkaas oo boqolaal katirsan shacabka deegaannadan oo caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE lulayaa si ka gacaltooyo leh ugu qaabileen.

Haldoorka, waxgaradka, siyaasiyiinta, salaadiinta iyo xildhibaannada deegaannada Yubbe iyo Jiidali, ayaa muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa, iyaga oo ka mahadceliyey booqashada weftiga iyo sida ay xilka isaga saareen ka qayb-qaadashada dedaalka loogu jiro in bulshada lagu wacyigeliyo qaadashada kaadhadhka codbixinta.

Xubno wasiirro iyo siyaasiyiin isugu jira oo weftiga kamid ah oo shacabka deegaannadan goobo fagaare ah kala hadlay, ayaa bulshada ku dhiirrigeliyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta si ay fursad ugu helaan ka qaybgalka talada dalka Somaliland oo dhammaadka sanadkan ay doorashada madaxtooyadu ka qabsoomi doonto.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga oo hadallo u jeediyey shacabka deegaannada Jiidali iyo Yubbe ayaa u mahadnaqay shacabka taageerada iyo soo dhaweynta u muujiyey, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay xil gaar ah iska saaraan qaadashada kaadhadhka codbixinta.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisu waxa ay soo dhaweynta diirran ee deegaanadan loogu sameeyey kadib u jihaysteen dhinaca deegaanka Hadaaftimo oo ay casuumad rasmi ah ka heleen Suldaanka guud ee deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, waxaanna halkaas ku qaabilay kumanaan ka mid ah shacabka deegaanka oo uu hormood u yahay suldaanku, iyada oo markii dambe murrashaxa iyo weftigiisa loo gelbiyey goob fagaare ah loo diyaariyey in lagala hadlo dadweynaha reer Hadaaftimo.

Suldaanka guud ee deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Sul. Cali Shire iyo Oday Sheekh Axmed Sheekh Saalax oo ka mid ahaa odayaashii horumoodka ka ahaa shirarkii lagu aasaasay Qaranimada Somaliland iyo kuwii nabadaynta, ayaa hadallo ay madasha ka jeediyeen si milgo iyo sharaf leh ugu soo dhaweeyey Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa, waxaanay halkaasi ka caddeeyeen taageerada ay u hayaan inuu noqdo madaxweynaha beddeli doona Madaxweynaha hadda xilka haya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad qiimo badan oo taabanaysa dhinacyo kala duwan sida nabadgalyada, horumarka, doorashooyinka, wax-wadaqabsiga iyo arrimo kale u jeediyey bulsho-waynta deegaanka Hadaaftimo.

“Haddii cimiladii isbeddeshay waxaynu u baahannahay in aynu caqli keeno sidii aynu innaguna u noolaan lahayn, carruurteenna iyo kuwa ka dambeeyaana u noolaan lahaayeen, walaalayaal taas ku gaadhimayno colaad, ficiltan, qabyaalad iyo qoqob oo iskaga celin karimayno dabaylaha, Cadceedda kulul iyo Roobabka yar ee markay da’aan dhulka oo dhan ciidda ka qaada innagoo mid ah mooyee, markaa farriinta aannu Somaliland oo dhan bari ilaa galbeed wada gaadhsiinaynaa waa in aynu qalbiga ka midowno, wax wada yeelano oo dabadeedna xooggeenna isu gayno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE uu ku dhiirrigeliyey dadweynaha ku dhaqan deegaannada uu socdaalka ku marayey inay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka si ay uga qaybqaataan ama wax ugu yeeshaan dhismaha dawladaha mustaqbalka.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dawladda maxaynu ka rabnaa? Waxaynu ka rabnaa kow in ay horta amniga sugto gudaha iyo cadowga dibaddaba, waayo dadku markay amni lahaan ayey wax dhisan karaan oo ay dhaqaale samayn karaan. Dawladda waxa laga rabaa in ay dadka u xaq-soorto oo waxa dadka ka dhexeeyana ay caddaala ugu samo-fasho, dadka qofka gar-darrana ay qabato. Waxa laga rabaa dawladda in ay iyadu noqoto xalaal-miirato, haddii dawlad walba aynu nidhaa waa tuugo oo wax uun baa la boobaa way dumaysaa, kuwii horena way ku dumeen, waxaynu doonaynaa oo farriinta aannu sidnaa tahay aynu isugu tagno dawladda aynu dhisnaa inay noqoto mid xalaal-miirato ah oo aynu ka ilaalino in cid keliya ay lacagta xado ama ay urursato oo lagu dhawro. Way soo dhici jirtay oo weligeeba wuu jirayaa musuqu, laakiin in lala dagaallamo oo aynu ku heshiinno oo aynu si badheedh ah uga wadahadalno ayaa ah farriintayada koowaad oo uu cidhib-tirmo.”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso