Dadweynaha Degmada Xudun oo Taageero Baaxad leh ku Qaabilay Weftiga Murrashaxa KULMIYE 

Xudun (THN)- Dadweynaha ku dhaqan degmada Xudun ee Gobolka Sool, ayaa taageero dhoolla-tus ah si baaxad leh ugu qaabilay weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku tagay socdaal qayb ka ah safarka wacyigelinta qaybinta kaadhka codbixinta doorashooyinka ee ka bilaabay gobollada Sool iyo Sanaag shalay.

Boqolaal qof oo ka mid ah shacabka ku nool halkaasi, ayaa kaga hortagay weftiga KULMIYE meel ka baxsan magaalada Xudun oo ay ku qaabileen fardo iyo gaadiid badan, iyagoo lulaya calanka astaanta u ah xisbiga ee caanka ah, waxaana halkaasi salaan kaga qaatay Murrashax Muuse Biixi iyo masuuliyiinta kale ee weftigiisa.
Intaa kadibna waxa weftiga KULMIYE loo galbiyey madal boqran oo loo diyaariyey in madaxda iyo saraakiisha uu ka koobanyahay weftigu, iyadoo hadallo ay halkaasi ka jeediyeen Boqorro, cuqaal iyo waxgarad kale oo ka mid ah kuwa ka soo jeeda degmada Xudun ay si wayn u soo dhaweeyeen weftiga, isla markaana waxay u caddeeyeen Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE in deegaanka Xudun uu si buuxda u barbartaagan yahay xisbiga iyo xukuumaddiisaba oo ay mar labaad u dooranayaan talada waddanka.

Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan weftiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Amb. Axmed Xasan Cigaal, ayaa mahadcelin ballaadhan ka siiyey bulshada degmada Xudun sida miisaanka leh ee ay u soo dhaweeyeen.

Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyey guud ahaan shacabka reer Xudun ee sida milgaha iyo gobonimada leh u soo dhaweeyey, uguna muujiyey taageerada baaxadda leh.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa kaloo uu khudbaddiisa kaga hadlay xidhiidhka xisbiga KULMIYE iyo degmada Xudun, waxqabadka xukuumaddu ka hirgelisay gobollada bariga, horumarka iyo wax-wada-qabsiga iyo muhiimada uu leeyahay qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka oo uu si wayn ugu dhiirrigeliyey bulshada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso