Gudaha Ka Eeg :Hoggaamiyaha Mucaaridka Nigeria Oo Fagaare Madaxda Afrika Fadhido Ku Sharraxay Caqabada Hor Taagan Aqoonsiga Somaliland

Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn Waddanka NIGERIA ee Xisbiga (The People’s Democratic Party) ahna  Guddoomiye Xigeenka Golaha Senate-ka Ee Baarlamaanka Nigeria  Mr  Ike Ekweremadu, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu sheegay inay Somaliland tahay waddan guulaystay, balse Somalia ah dal fashilmay weli ay dunidu lugta ugu xidheen.

Siyaasi  Ike Ekweremadu oo ah Guddoomiye ku xigeenka Aqalka golaha Senate-ka ee Baarlamaanka waddanka Nigeria iyo sido kale hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn dalkaasi ee loo soo gaabiyo (PDP) ahna Siyaasi ruug cadaaya oo xilal tiro badan oo kala duwan ka soo qabtay  waddankiisa, ayaa sida ay qortay Wakaaladda dalka Nigeria laga leeyahay ee vanguardngr.com, oo Wargeyska Saxansaxo warkani ka soo xigtay, hadal waxa dheer oo uu ka jeediyey Shirweyne Sannad leh ah oo loo qabto urur ay ku mideysan yihiin Qaramadda iyo Dawladdaha Koonfurta iyo Bariga  Qaaradda Afrika oo magaciisu yahay (South-East Governors & National Assembly Members), waxa uu halkaasi kaga hadlay  Gobollada gooni goosadka ah iyo Jamhuuriyaddaha ka go’ay dalalka ku yaal qaaradda Afrika, waxaanu ku soo qaatay kuna soo daray warbixintiisa Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu sheegay inay 30 sanno mudo ku dhawaad ah, dunida ka baadi doonaysay Ictiraaf qaran buuxa inay ka hesho  iyada oo nidaam dawladnimo ku guulaysato inay dhisto, balse mr IKE waxa uu hoosta ka xariiqay iyada oo Somaliland wax kasta ku guulaysatay in hadana lugta loogu xidhay Somalia oo ah dal ku fashilmay inay dawlad dhistan.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Baarlamaanka waddanka NIGERIA  Mr  Ike Ekweremadu  oo sidoo kale ah Siyaasi ruug cadaaya oo xilal tiro badan ka soo qabtay  waddankiisa ahna sido kale hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn dalkaasi ee The   People’s Democratic Party Mr  Ike Ekweremadu, ayaa warbixin dheer ka diyaariyey dalalka aan la aqoonsan.

 

Hoggaamiyaha Xisbiga ugu awooda badan Waddanka NIGERIA ee Xisbiga PDP (The People’s Democratic Party) ee waxa uu isaga oo Jamhuuriyadda Somaliland  amaanaiyey sheegay in  Somalia oo ku tilmaamay inay qaran guul daraystay ilaa hadana  Somaliland ay sheegata tahay waxa uu yidhi “Waxa jirta Mawduuc Kiiska ah Qadiyadda Aqoonsi raadiska ee Somaliland,  waana mid taagneyd ku dhawaad 30 sanno, ka dib markii ay kala soo noqdeen madax-bannaanidooda Dawladdii dhexe ee Jamhuuriyaddii Somaliyeed, waxaana dalka ugu wanaagsan (Jamhuuriyadda Somaliland) Dawladdaha iskood isku magacaabay, waxaana la odhan karaa British Somaliland waxa ugu fiican ee ay dhisteen, inay yihiin qaran Madax-bannaan oo iskood u taagan, balse haddana weli lagu tiriyo inay qayb ka yihiin Somalia, inkasta oo ay xaqiiq jirta tahay inay Somalia tahay qaran Fashilmay”

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso