Somaliland 27 Sano Oo Ay Jirtay, Waxa Sadexdii Sano Ee U Dambeeyey Xukuumadu Albaabada U Laabtay Afar Wargeys Iyo Shan Website By. Axmed Cali Cige

Somaliland waxay beesha caalamka tusaysay madaxbanaani 27-kii sano ee u dambeeyey, iyadoo samaysatay hanaan dawladeed, dastuur iyo qawaaniin u gaar ah oo lagu hago dalka.

Somaliland  cudurdaar la’aan ayay Afrika iyo Caalamka kaleb dhabarka ugu jeediyeen arinta ku saabsan ictiraafkeeda.

Inkasta oo tan iyo 1991-kii ay Somaliland ku guulaysatay inay sii wado hanaan doorasho dimuqraadi ah oo awooda dalka lagula kala wareego, ayaa la filayaa sanadkan 2017-ka inay doorasho madaxtooyo ka dhacdo.

Mudadaasi 27-ka sano ee Somaliland jirtay ayaa saddexdii sano ee u dambeeyey waxay hoosta ka xariiqeen hoos u dhac iyo walwal xoogan oo ku yimid xoriyatal qawlka iyo madaxbanaanida Saxaafada gaarka loo leeyahay ee Somaliland. Waxaana saddexdaa sano gudahood la xayiray 9 hay’adood oo warbaahinta madaxabanaan ah.

Bishii April 7/2014-kii waxa albaabada loo laabay xaruntii Wargeysyada ee Haatuf Media Network oo soo saari jirtay (Haatuf, Somaliland Times iyo Al Haatuf Al-carabi) kadib markii ay wargeysyadaasi ay xukuumada ka qoreen maqaalo ku saabsan musuqmaasuq.

Waxaana bil kadib xabsiga la dhigay gudoomiyihii wargeys-yadaasi Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii wargeyska Haatuf, Axmed Cali Cige, kuwaas oo markii maxkamada la keenay lagu riday xukun saddex sanadood iyo afar sanadood oo xadhig ah iyo 25 Milyan oo Shilling JSL oo ganaax ah midkiiba, xukunkaasi waxay maxkamdu u adeegsatay xeerka ciqaabta guud.

Dabayaaqadii bishii November 2015-kii waxa la joojiyey inuu soo baxo daabacaadii Wargeyska Hubsad kadib markii uu hal maalin soo baxay waxaan la xidhay gudoomiyihii Hubsad Cabdirashiid Nuux Wacays iyo tifaftirihii Siciid Khadar Cabdilaahi, kuwaas oo dacwadoodu mudo jiitantay ilaa hadana ay ka socoto maxkamadaha dalka.

Waxa iyagana la joojiyay soo bixitaankooda Wargeysyada Codka-Shacabka iyo Xog-ogaal bishii March 2016-kii kuwaas oo gabi ahaanba la laalay in laga soo saaro dalka.

Dhamaan Warbaahintan ayaa wajahday Xukuno Xeerka Ciqaabta guud ah, halka maxkamadaha dalku aanay midna u adeegsan xeerka dhaqan galka ah ee saxaafada Somaliland, Xeer Lumbar 27/2004.

Dhinaca kale Amar Xayiraad ah oo ka soo baxay Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex 2/7/2017-ka ayaa hal mar lagu xayiray 5 website (Mareego Internet) kadib markii Xafiiska Xeer-ilaalinta gobolku codsatay xayiraada shantaasi website oo uu sheegeen inay dalka ka baahiyaan warar been abuur ah oo lidi ku ah Madaxda dawlada iyo qabiilada wada dega Somaliland. Waxa sidoo kale lagu sheegay xayiraada mareegahan, inay maxkamada gobolku M/Jeex aqbashay dalab ka yimid Madaxa Xafiiska Xeer ilaalinta gobolka Maroodi-Jeex oo ku taariikhaysan 3/7/2017 kuna codsaday Madaxa Xafiiska Xeer ilaalinta gobolka Maroodi-Jeex in loo tixgaliyo Baadhista Dambiyada C.I.D codsigooda isla markaana xayiraad la saaro websaadyadaasi. Mareegahaas oo kala ah 1.Karinnews.com 2.Baraarugnews.com 3.Saylactoday.com 4.Haleelnews.com iyo 5.Suradnews.

Waxaana dhamaan shirkadaha adeegyada internet-ka bixiya lagu amray inay fuliyaan amarkaasi Maxkamada sidaas ayay ilaa maanta ku xayiran yihiin shantaasi website.

Talo soo Jeedimo

Dawladu waa Inay xayiraada ka qaado wargeysyada iyo websityada xayiran ee sarre ku xussan.

Inay joojiso cabudhinta iyo faaf-reebka ay ku hayso Saxaafada Madax banaan iyagoo u hogaansamaya qodobka 32aad ee dastuurka JSL.

Maxakamduhu inay tixgaliyaan wareegtadi uu gudoomiyaha Gudida cadaaldu ku soo saaray inaan la xidhi karin suxufiyiinta ee ay dibada iska difaaci karaan.

In aanay Maxkamadaha iyo Xafiiska Xeer ilaalintu laalin adeegsiga Xeerka gaarka ah ee saxaafada.

By. Axmed Cali Cige

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso