Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Diray .

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

01 August 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, ciidanka booliska iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Sahal Xaaji Jaamac oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Gar-adag ee Gobolka Sanaag maanta oo taariikhdu tahay 01/08/2017.

Marxuum Aadan Sahal Xaaji Jaamac waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Asluubta oo uu xilal ka soo qabtay, isagoo waqtigan ahaa Xisaabiyaha Jeelka Dhexe ee Hargeysa. Waxaannu Gudddoomiyuhu si gaar ah geeridiisa uga tacsiyadaynayaa dhammaan qoyska ilmaha Sahal Xaaji Jaamac.

Guddoomiyuhu waxa marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso