Ragga haatuf ka soo diroow(Ismail yar iyo Abiib) By : Xuseen Badmaax

Ragga haatuf-ka soo diroow

hoorsada waxaad hoorsateen

baan soo hurgayaaye

Heeryada raggaan saaraayay…

miyaa haatuf soo diray

Hogaankii niman kaan u hibeeyay…

miyaa hibasho guuxaaya

Hantida dalka raggii laba haflay naayay…

miyaa hooto soo celiyay

Tuug baa habeenkii dhacee..

raggii hoorsaday dhiiga

Hoorigaan dhawraayay hadimaduu gaystay…

miyaa caawana soo habraar saday

Afartaa intoon ha’da ka dayay…

Miyaan dawga ka habawshay

Afar kalana waa ismaaciil-yare…

iyo abiib kaa soo hamaansaday

Hayaan kaynu galay-iyo himiladeenii…

Waad taad hilmaanteene

Waad taad hanadkii soo kacaba… xabsiga ku hubsanayseene

Horaad u gaysateen waxaad hadi karayseene

Waad hareer marteen taladii hagaag-sanayde

Maantana hogaanka ragg baa u haya

taad ku haffateene

Ha seegina cibaadada

Horaad xumaan u halabsateene

 

Allaa Mahad Leh.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso