Firfircoonida Cabdiqaadir Dhagaweyne + Caqabadda Hor Taala = ?.

Aqoonta, Anshaxa iyo Asluubtu waa Hiraalka Horumarka Ummadeed. Hadda waxa la galay xiligii ay aqoontu shaqayn-layd, lagana digorogan-laa siyaasiga si xun u ceeshka ah.
Sidaynu la wada soconay Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed.ayaa  madaxweyne siiraanyo u magacaabay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Biyaha.

Hadaba Cabdiqaadir Waa nin:

☆. Dhalinyaro”a.

☆. Aqoonyahana oo wax bartay, kana soo shaqeeyay shirkado & company-yo tiro badan.

Waa shakhsi ilaahay ku manaystay firfircooni, jecelna horumarka dalka.
Cabdiqaadir waa shakhsi wax badan ka bedeli kara xidhiidhka reerka, dawladda & xisbul xaakimka talada dalka haya oo aanu xidhiidh ficani ka dhexeyn iyaga & reerka. Iyadoo reerka & xukuumadda + xisbigeeda kulmiye ay hore u kala fogeeyeen masuuliyiintii reerka kaga jirey xukuumadda & xisbiga kulmiye.
Hadaba inkastoo uu cabdiqaadir yahay masuul dhalinyaro ah oo firfircoon wax badana qaban kara. Ayaa waxa hor taala caqabad weyn  oo aan layska indho tiri-karin horena u soo waxyeelaysay siyaasiyiin da”yar oo reerka u soo kacayay. Caqabadaas oo ah masuuliyiinta reerka kaga jirta xukuumadda & xisbiga kulmiye, kuwaas oo meesha u fadhiya uun kaliya cuuryaaminta siyaasiyiinta da’da yar ee reerka u soo kacaya & guud ahaan caqabadaynta arimaha reerka.

Hadafkooda ugu weynina yahay; .


Si Uu Dararta Maandeeq U Durduurto Kelidii.
Duul  Urursanaadiyo Midnimaanu Dooneyn.

 

Ku darsoo nimanka sidaa jecel ee reerka lagu soo habaarey, iyagaa reerka u deniya oo cid dhaantaaba ma jirto. Hadana duul-duul ma daayaan;.

 

Dheeraad  Nin Haystoo
Gurigiisu  Dhalo  Yahay
Nabadiyo Ku Dhaqankeed 
Haduu Tuuryo   Dhaafsado
Miyaan Kiisa  Dhagax Karin????


Kaaga darane abaalkii shalay loo galay ayaa qoyan oo raadkiisii muuqdaa. Iyagoon waliba aanay jirin wax ay ku celiyeen bulshadii soo dooratay oo aan ka ahayn hadimo & waxyeelo;.

 

☆. Ma afurin agoontii  dooratiyo kii  usha u sidaye.

☆. Wax matare iyo  taran ka naxe

may tun-tuusadey.

☆. Waa taad  abaar iyo  dhulbaas u ambaqaadeene.

☆. Goortaan hadhuubada  u asladaan  ula qal-weysaane.

☆. Agaan  ka buux-sada  dhawaan   ma arki doontaane.

 

Taariikhdana waxay ka gali-doonaan baal madaw.

 

• Xigmad li’i  kuwii gaystay baa xooray sharaftiiye 
• Ma xad baa ku jaban hadii xadanto loo yeelo?

 

Waxanse kaga ciil la”ahay inaanay maca istoobka gaadhigiisa arag Cabdiqaadir Dhagaweyne raga hadimaynta reerka u soo cumaamatay. Waxaanan u sheegayaa haday hore wax badani uga suuragaleen cuuryaaminta da”yarta reerka in aanay maanta waxba yeeli-doonin Aqoonyahan Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed oo ah nin ka horeeya inta waxyeelaynta reerka lagu ogaa. Nimankaana waxaan leeyahay:-

 

Cabdiyow waxaad heli kartaa la hungureeyaaye. 
Adigoon waxbaba haybsan baad hurisay duulaane. 
Hanti kaa yaraataad is tidhi buuxso haamaha’e. 
Hadimaa tolkaa kugu qabaa taadu waa hadure.
Cir-kaadse haabanaysaa adoon hadal la gaadhayne. 

Waxa iyana lama huraan ah samaynta taxaaluf siyaasadeed & dhiig cusub. Taas oo ay hagi doonto;

Aqoontu.

Bud-dhigna ay u noqon doonto;

Midnimada Dhalinyarada.

Hadafkooda guudna uu noqon doono siyaasad midho dhasha guulna laga gaadho.

Waxay ku midaysanyihiina uu noqon doono sidii meesha oo laga saari-lahaa siyaasiyiinta hawl-gabka ah:-

 

Een daayin abidkeed
Baqal dugul madow oo
Daba-keena mooyee
Da’na aan wax khayr qaba
Hoosteeda laga deyin.

Sidaan ilaahay ka rajaynayo hawshaa hirgalinteeda waxa sabab u noqon doona Aqoonyahan Cabdiqaadir dhagaweyne oo aan hubo 100%. Ka midho dhalinteeda.

 

Waan jecelay inta aragtida siyaasaddu na mideysay. Waayo waxa lagama maarmaan ah xulafo dhufeyska siyaasadda ila soo gala.

 

Yoolkayguna :-

Gubuxsiga  Mar Uunbey   Tirsiga Meel Kasoo  Galiye.
Gargaraacisteediyo  Hadeyn   Geel Ka  Didinteeda.

 

Waxaanan kaga tagayaa siyaasiyiinta reerka ee siyaasadoodu tahay madhalayska & inta samaha neceb:-

 

• Haddii uu godkii maansaduba godolka uu diiday
• Gadhqaad kaa xumaaday oo isaga gaabiskaa dhigay
• Haddii guuli ay kuu dhawdahay gabay ma dayseen 
• Geereerka waad  tirin ogayd geedka fuulka ah
• Aliyow ha  gaagaabsani  golaha soo  joogso
• Guushaa la kala qaadayaa geel siday tahaye
• Ninka gumuc rasaaseed hayaa geed ma hoos kale
• Geestuu ka  liishaami jirey geesi  miigane
• Gacmo madhan ninkii lagu ogyaan guuto weerarine.

 

Allaa mahad leh.

 

Qalinkii : qaryaqaan Keyse  Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso