Daawo: Ururka Karaama Oo Dhisme Malcaamadeed ka fulinaaya Magaalada Libaax Qawdhama ee Degmada Sallaxlay.

Waxa maanta oo Isniina kuna taariikhaysan 31/08/2017 si rasmiya Ururka Karaama Organisation ooga bilaabay Tuulada Libaaxqawdhama Dhisida Malcaamad quraan loogu talogalay in ay wax lagu baro Ardayda dagan Tuulada iyo Nawaaxigeeda .

Hadaba Mar uu Togaherer wax ka waydiiyay Gudoomiyaha Ururka karaama Organistion Aqoonyahan Carab Cilmi mire isaga oo jooga Sheffield Cariga Ingriiska waxqabadka Ururka? iyo xiliga uu aasaasmay ?iyo waliba ujeedada ku dhalisay dhisida malcaamada?  Wuxuu noo sheegay in Ururku mudo Laba sano ah uu jiray isla markaana waxqabad badan ka gaystay xiligii Abaarihii ha yeeshee imika uu u soo jeestay in uu awooda saaro xoojinta waxbarshada iyo wacyi galinta Reer Soomaalind xaga aqoonta Khaasatan Bulshada ku dhaqan Deegaamadaa. waana ta keentay in ay bilaaban malcaamada iyaga oo ka dibna ku haminya hadii ilaahay la qabto Malcaamada in ay xoojiyaan Wax ka qabdka dawladu ka wado Dagmada Ballimataan oo deegaan ahaan ay ka soo jeedaan iyo in ay ka dhisaan Askuul Hoose, Dhexe, Sare Tuulooyinka Maygaagha isla markaana waxay higsnayaan Mustqablka dhaw in ay bilaabaan wadada isku xidha Maygaagaha iyo Hargeisa waxaanu Gudoomiyhu noo sheegay in uu aad u faraxsan yahay mar hadii balowgii hore ee Ururku si wanaagsan u socdo .

Togaherer Hargaisa

Advertisement

Ku Xayeysiiso