Wasiirka yuu u cabanayaa

Sidaynu ogsoonahay dalkan jamhuuriyada Somaliland waxuu leeyahay madaxwayne la doortay awoodna u leh inuu xil qaran ku dhiibo, kana qaadi karo tasoo ah sunaha dowlad nimo.

Wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha cali xaamud jibriil waxuu sheegay xilka qaadistisii kadib, madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland inuusan xilka ka qaadin una mahad celinayo madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland,

Balse su aalaha la is waydinayaa waxay yihin.

Yaa magacaabay oo xilka qaranka u dhiibay? Waxuu bal maray

Yuusa la shaqaynaayay oo uu reportka siinaayay? Muu sheegin cida uu reportka wasaradisa sinayay

Yaase xilka ka qaaday? Muu cadayn.

Yuusa u mahad celinayaa? Madaxwaynaha balse muxuu ugu mahad celiyay.

Isku soo wada duboo waxuu shaki galiyay shaqada uu hayo madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland, waxuuna dhaawacay karaamada uu qarankan leeyahay ee ah ku xad gudbid xeer sharci,

 Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan leeyahay wasiirkii hore cali xaamud jibriil bulshada u cadee siday wax u jiraan, xukuumadan waxay sheegataa wax qabad iyo isku xidhnaan ka dhaxeeya golaha wasiirada iyo madaxwaynaha, dalkan madaxdiisa waxaad u tahay xog ogaal, si doorashada soo socota waxbadan looga ogaado cida talada ku guulaysan karta hala gaban warka aad hayso ee dadka usoo bandhig.

Advertisement

Ku Xayeysiiso