Hal abuurka labilkeeday (habeenkii Abwaan A.Abees iyo Hargeisa)

Dadku muuqa guudbuu wax ku qiimeeyaa balse waxaanay ogayn dadka qaar in wax  u qarsoonyahay,,abwaanku maaha qof caadi ah waxbaa la nool abwaan Cabdiraxman Abees waa nin dhalinyaro ah timihiisa madawga ah da’da wajigiisa ka muuqataa  waad ku lumaysaa,isku lodbaanu nahay balse intaanu u nahay intuu noo yahaybaa ka badan,mar waa oday oo waa arin yaqaan,marna waa faylasoofar oo aragtidiisu waa mid fog waa aftahan yaqaan hab sawir eegmada u badala erayo dux leh oo cudoon, wuxuu adeegsadaa ku sifeeya erayadiisa erayo miisaaman oo leh aragtida maanta ta soo socota iyo tagtadiiba.
Waxaan ka qayb galay Habeenka Hal abuurka la bilkeeday iyo Abwaan Abees oo kusoo bandhigay Maansooyinkiisii, Waxaa ka mid ahaa
Xujo,Tumaal,Qaan Bal afarta eray ee ka mid ah maansadiisa Tumaal igula naso
Mihnad marada lagu tolo
Adaa taabi waayee
Twain udoontee
Muxuu dookhu kuu tari
Isagoon bir tuman karin
Nin Tumaale maagoo
Ku tiiqtiiqsadaa gunn ah.
Maansooyinka kasoo burqanayay carabkiisu muu ahayn hadal caadi ah waa hub culus oo halis ku ah dhadhama raacayaasha iyo daalinka maanta nool abwaanku wuxuu si adag ugu dul istaagayay nolosha waaqica ah ee aan inoo cuntamin ee yar iyo waynba ku kaliftay inay fadhiid ka noqdaan waayaha noloshooda.
Aqoonyahankii iyo waxgaradkii mesha iskugu yimid ayaa  markaliya sanqadhoodii hakad gashay waxaa si bilaa ikhtiyaar ah abwaan ula wareegay dhagihii iyo indhihii dadkii halkaa iskugu yimid,erayada gabayga u danbeeyay oo ahaa mid wacyiga ku saabsan ayaa sida maraboobta maskaxdayda igu dhagay.
Waxaa halkaa tumnaa Madax,siyaasiyiin,ganacsato,aqoonyahan,haween iyo dhaman miidii dalkani lahaa,masraxa waxaa la subcinayay asxaabtiisi oo hadalo halkaa ka jeediyay  Abwaan weedhsame Abwaan rashiid gadhwayne, Sh dalmar,Mohamed bashe xasan, jamal Ali hussein,Jaamac muse jamac,Ambassador Ayan cashuur ,Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee kulmiye iyo madaxa kaambaynka xisbiga wadani,Fuad Ahmed nuuh oo bahda dahabshiil ka socday,lama tiri karo asxaab farabadan oo waayo badan soo wada qaateen oo dal iyo dibadba leh .
Kulankan Hal abuurka labilkeeday iyo abwaan abees noqo  maayo kii ugu danbeeyay alle isaga iyo carabkiisaba dalku horumar iyo guul ha waafajiyo ameeeen.
Ahmedyasin Sh cumar Ahmed furre

Advertisement

Ku Xayeysiiso