Waar Ninku Ma Boorbaa Mise Waa Dhiin?

Waagii hore waxa la odhan jiray Lo’jirku wuu ka xadaarisanaa Geel-jiraha iyo Adhi jirka wakhtigaas,  waxaana arrintaas loo sababayn jiray dhinaca garnaqsiga, garraha  iyo wada-xaajoodka.

Waxaanay ku dabaqi jiray marka ay cid wax iska soo galaan, ka hor inta aanay u tagin oo ay is weydiin jireen, waar horta ninku ma’Boor baa mise waa Dhiin?

Haddaba, labadan calaamadood, waa laba calaamadood oo ay leeyihiin Lo’da “Dab-joogta ah” ee la dhaqdaa, mid waliba waxa ay leedahay  dabeecad iyo hab-nololeed u gaar ah, waxaana la odhan jiray, Saca Boorka ah waa neef geesa gaagaaban oo saan quruxsan,  dhogor yar, midabkiisuna waa boor, cimri dherer, dherer xoogan, dareen xoogan, taran badan, cag weyn, calool yar, naaso yar, naas jilicsan, caano yar, caano macaan oo nafaqo badan, xigisin dhow,  gorof lagad yar, codka “ ololkiisu” waa dhawaaq dhuuban oo aan xabeeb lahayn,  oo korkiisu adkaysi u leh kulka qoraxda, qabowga, barafka, roobka , usha , mana hadho oo wuxuu  adkaysi badan u leeyahay baadka iyo biyo la’aanta wakhtiyada  jiilaalku dheeraado ee ay abaaruhu dhacaan, baadina ma’noqdo, waxa kale oo intaasi u sii dheer inuu iska celiyo dhamaan habar dugaag oo dhan, waana sac orod iyo socod badan.

Halka saca dhiinka ahna,  lagu tilmaamo inuu yahay neef geesa dhaadheer oo saan fool-xun leh, dhogor badan, oo midabkiisu casaanka yahay, cag yar, taran yar, calool wayn, dherer gaaban, dareen yar, cimri gaaban, naaso-waaweyn, naaso adag, caano badan oo nafaqo yar, caano qadhaadh, xigsin fog, gorof-lagad badan, baadidiisu badan tahay, codka “ ololkiisuna” waa dhawaaq cod weyn  oo xabeeb leh,   kor nugul oo aan u adkaysan karin usha lagu dhufto, kulka qorada, qabowga, roobka, barafka,  isla-markaana  u nugul baadka iyo biyo la’aanta wakhtiyada  jiilaalku dheeraado ee ay abaaruhu dhacaan,  baqdin badan, dugaagana aan iska celin karin,  socod yar,  oo aan ordi karin.

Waxaan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa  dadweynaha inay ka jawaabaan,   su’aasha jawaabtan,  Lo’jirka maanta miyey isticmaalaan, waar ninku ma’Boorbaa mise waa Dhiin?  haddii jawaabtu tahay maya, Maxay isticmaalaan maanta?

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso