DUNIDA IN YAR BAA DOQONKU IN UU HOGGAAMIYO DIIDDAY.

”Nincompoop” culimada cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada (Psychology & Sociology) sida darandooriga ah u daraasadaysaa waxa ay si buuxda oo kaamil ah isku la qaateen in doqonnimadu ay tahay cudur maskaxeed asiiba dadyowga adduunka ku nool in ka badan 50%. Sidaa si la mid ah ayaa culimada cilmiga siyaasaddu (Political Scientists) iyana waxa ay garwaaqsadeen in qofka doqonka ahi – oo dabcan marka dhinaca caafimaadka laga eego bukaan ahi uu masiibo ku yahay dawladnimada haddii ay talada qaranka meeli uga bannaanaato.

 

Sidaa darteed ayey Reer Galbeed dastuurka dalalkooda ugu xardheen in qofka xil ummadeed qabanaya 100% uu noqdo mid jidh ahaan iyo maskax ahaan bad qaba oo saalloon. Waana halka ay calaamaadka iyo sansaanaha doqonnimada ay u raaciyeen xanuunnada maskaxda. Waayo waxa ay ku talo-galeen in aaney hodmin oo aaney dawladnimadoodu marnaba dhayalsi u dib dhicin. Si ay ammuurtaa u suura-galiyaan waxa ay dawladaha Reer Galbeedku si isku mid ah u hirgaliyeen markii laga soo noqday dagaalkii labaad ee adduunka fekerkii iyo aragtidii William Sweetser ee ahayd in la baadho oo xaalkiisa maskaxeed la la socdo ilmaha Yurub iyo Maraykan ku dhasha.

 

Ujeedada waajib yeelidda hubsiimadani waa in bulshadu aaney isku dhex qasmin, si ka xanuunsanaya aannu wax u xumayn, ee taa beddelkeeda uu gargaar fiican u helo iyo taakulayn dawli ah. Siyaasadda ugu weyni se waa in dawladnimada laga jiro oo xayn-daab adag laga ga xidho in qof doqon ahi hoggaamiyo amma uu talada qaranka wax ku yeesho. Ammuurtan siyaasiga ah waxa iyana waafaqay oo si toos ah u qaatay dalal badan oo adduunka ka mid ah sida Japan & China. Nasiib-darro se weli dunida madow, ta koonfurta maraykan, duulka Carbeed iyo badi qaarad weynta Aasiya kama ay gaashaaman in doqonku talada dalkooda wax ku yeesho!

 

Waxa se iswaydiin mudan waxa marka horeba suura-galin kara in qof maskixiyan tabcaan ahi martiqaad ka helo dawladnimada? Sidee ayey ku dhici kartaa in bulshadu u ilduufto qof maskixiyan tabcaan ah?

Runtu se waxa ay tahay in sababta doqonku boos dawladnimada bulshada uga dhex helay, ee uu weliba in badan ugu sii nagaaday isaga oo wax dilaya, xidhaya boobaya, dulmiya oo qadinaya ay tahay ayaan-darrada hoggaan-waaga ah ee ku habsatay ummadaha uu doqonku daalacnaasisho! Ummadahaa doqonku waxa uu ku haystaa in ay ka xoroobi kari waayeen, amma ay weli baafinayaan cid ka samatabixisa jahliga si ay uga ilbaxaan yeedhmada isku cid baynu nahay, sidaa darteed waan kuu gaajoon, kuu dhiman daranyadana kuugu jiri ee xukunka magaca reer hebel innoo gu hay.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@warwickgrad.net 

Advertisement

Ku Xayeysiiso