Awood iyo Fursado ku Gaaraba Jira: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Awood iyo Fursado ku Gaaraba Jira: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

 

 

 

 

Waxa aad tahay celceliska dadka aad la joogto inta badan, haddii aad doonto in aad is yara qiimayso, isugee asxaabtaada aad inta badan wakhtiga wada qaadataan darajadadooda nooca ay doonto ha ahaate sida fahamka, hawlkarnimada, dad-la-socodka iyo Alle ka cabsiga. Sii darajo mid walba oo la xidhiidha dhanka horu-socodnimada, ka bacdi isu wada-gee dhamaan, una qaybi inta qof ee aad tihiin, waxa ku soo bixi doona celceliska (average). Celceliskaasi inta uu noqdo ayuun baad keentay ee la soco, haddaad A tahay oo aad asxaab wada D ah la socoto, celcelisku waxa uu noqonaya D ama C, xarfahani uma taagna in aad imtixaanka keentay A ama C, waa ay ka duwan yihiin. Imisa ayaad aragtay qof shahaado sare sita oo aan meel gaadhin waligii, in aad guulaysata kuma xidhna in aad aqoon sare leedahay iyo in aad wakhti badan shaqayso midna. Qofku marka uu ardayga yahay waxa uu leeyahay saaxiibada jaarka iyo kuwa waxbarashada, laakiin marka uu waynaado ama dhalinyar noqdo waxa ka xoog badan saaxiibka xirfada, shaqada iyo xulufada, markan ujeedadu ma aha madadaalo iyo wakhti lumis ee waa la tacaalida nolosha.

Imika qaacidada la isticmaalo si loo qiimeeyo horusocodnimada qofku ma aha qiimaynta qofka ee IQ ama caqli badnaanta, waxa la isticmaala wax la yidhaahdo fahamka caadifada dadka (Emotional Intelligence)  ama qof dad la socod le. Waxa la ogaaday in dad badan oo caqli badan marka xisaabaha laga shaqaynayo ama wax la xafidayo ay aad ugu liitaan dhanka macaamilka, dad la socodka iyo in ay wax maamulaan. Sidaas awadeed guushaadu kuma xidhna in aad xoog wayn tahay iyo in aad caqli badan tahay ee waxa ay ku xidhan tahay sida aad is badalka kolba ula jaan qaado iyo dad la socodkaaga. Waxa uu yidhi Darwin waa gaalki isnacay ee yidhi dadku waxa ay ka yimaadeen daanyeere, ‘Xayawaanka badbaadaya ma aha kuwa xooga waawayn iyo kuwa maskaxda badan midnaba ee waa kuwa la jaan qaada isbadalka.

Haku dayan qof kale in aad iska dhig dhigto si aad guul u gaadho, adigu is yara qiimee, iswaydii waxa aad ku fiican tahay iyo fursadaha aad haysto. Haddii saaxiibka baabuur iibsado adigu ha ku mashquulin ee la isticmaal inta aad karto. Waxa dhici karta in habaryarti ay Sacuudiga lacag uga soo dirtay ama baloodh u ka iibsaday. Adiga waxa dhici karta in qoyskiinu adhi dhaqdo, marka arafada ka hor adhi u dhiibo qoyskiina si aad u iibiso marka ay arafada gaadho ugana faa’iido, tani waa tusaale fursadaha dhalinyartu sida ay u kala duwan yihiin. Waxa aan hubaa in aad tahay qof Ilaahay meel gaara ugu talo galay in uu nolosha buuxiyo marka ha isku mashquulin in aad qof kale aad la dhigto ee adigu wado samayso, markasta oo aad dhib la kulanto waxa aad ogaata in aad waayo aragnimada la sheego aad bartanka ugu jirto, wax ka baro guuldarooyinkaaga, in aad kuftay ha eegin ee waxa aad eegta in aad kacday. Mar walba waa in aad lahaata qorshayaal iyo wax qoran oo aad samaynayso si aad u gaadho meesha aad hiigsanayso. Haddii aad shaqo fiican haysato maanta waa in aad hiigsato meel ka saraysa oo aad qorshe iyo yool samaysato.Marka aad guulaysato tartanku waa si adkaanaya marba marka ka danabaysa siddaas aawadeed waa in aanad joojin in aad is dhisto oo aad aqoonta korodhsato sida luqadahaha, cilmiga maadi iyo diinba, waa in aad galdalooyinkaaga ogaata si aad meesha uga saarto siddaas ba guusha lagu haybsan kara.

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Bare Sare iyo Cilmi Baadhe

hassanhussein.haidaro@gmail.com

+ 252 (0)634418302

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso