Kaadhadhka codbixintu maaha in qofka laga iibsado si hadhow codka loogu shubto, ama la gubo si ay xisbiyadii ay u codayn lahaayeen ugu cod waayaan.

Kaadhadhka codbixintu waxa iska leh Qaranka Somaliland iyo shakhsiga la siiyey inuu ku codeeyo. Waxa innagaga baxay waqti badan, hanti badan, iyo hawl badan. Waad og tihiin reer Somalilandow oo kaadhadhkan oo kale xitaa dawladaha horuumaray ma aanay samaysan weli. Hadaba, qofka kaadhka loo sameeyey waxa ku waajib ah inuu qaato kaadhka ama ha ku codeeyo ama yaanu ku codayn haduu doonaba’e. Waxaanse meesha qabanin kaadhadhkii inay dadyow muxaafidka ka mid ah iyo kuwo mucaaridka ka mid ahiba, inay dadkii kaadhadhka soo qaatay ka iibsadaan, si ay isugu dayaan inay hadhow codadka ku shubtaan, ama sida la sheegayo ay kaadhadhkaba gubayaan. Waa sharci daro iyo Distoorka oo la jabinayo marka kaadhaadhkii dadka la siiyey, loogaga bedesho xoogaa yar oo ay maalintaas ku qayilayaan ama ku qadeeyaan.

Gudida Kommishanka Doorashooyinka Qaranka, hay’adaha amniga qaabilsan, xusbiyada dalka Somaliland, madax dhaqameedyada, culimada diinta, dhalinyarada, hayadaha ururada bulshada, iyo qof kastoo Qarankan danaynayaaba waa inay xil iska saaran oo dadka ku wacyi geliyaan inaanay kaadhadh koodii codbixinta ku iibsan xoogaa yar oo Qaad ah oo ay maalintaas ku murqaamaan. Ta kale, haddii kaadhadhkaas loo isticmaalo falal argagixiso ah, waxa eeda iska leh qofkii ay Kommishanku ku maamuuseen( privilege) kaadhka cod bixinta, sumcad xumana Somaliland ugu filan Ilaahay innagu ma keenee. Qofka maanta kaadhkiisii cod bixinta qiima yar oo uu Qaad siisto ku bedeshay, maaha inuu hadhow xukuumadii tamaada uu ka cawdo, waayo isaga/iyada ayaa xilkiisii/xilkeedii muwaadinimo gabay oo ka soo bixi kari waayey. Kaadhadhku waxay la mid yihiin qoryihii aynu dalka sharaftiisa ku difaaci lahayn, markaas maaha inuu qofku qorigiisii oo cabaysan uu ka iibiyo dad Somaliland iyo Qaranimadeedaba cadow ku ah, oo jiritaan keena si toos ah iyo si dadbanba waxa inoo yeeli kara. Waar dal-jirnimadii maxaa idiin kaga dhacay? Tollaay Somalilandeey!

AliKhadar Osman

Advertisement

Ku Xayeysiiso