Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Diray .

TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Nuux Cabdi Cadde oo ku geeriyooday magaalada Burco taariikhda 21/07/2017.
Marxuum Nuux Cabdi Cadde waxa uu ka mid ahaa odayaashii dhidibadda u taagay nabadda deegaamada Somaliland, haddana waxa uu ku jiray xubnaha Guddida Horumarinta Gobolka Togdheer, waxaannu Guddoomiyuhu ku tilmaamay shakhsi aad u wanaagsanaa oo mar walba jeclaa horumarka bulshada iyo wax-wada qabsiga.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso