Gudaha Ka Eeg :Musharaxa Xisbiga Waddani Oo Qado Sharaf U Sameeyay Siyaasiyiin Dhawaan Ku Soo Biiray Xisbigaasi .

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Ahna Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadhimo sharafeed u sameeyey haldoorkii Hargeysa ee dhawaan ku soo biiray xisbiga Waddani iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo taageerayaal cusub oo ka soo jeeda beelaha Warsangeli ee gobolka Sanaag oo maanta ku soo biiray xisbiga Waddani.

Hadhimo shareefadan oo maanta ka qabsoontay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa halkaasi ugu horayn ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waxaanu yidhi “Qado sharaftan qiimaha iyo qaayaha leh ee gudoomiyaha xisbigu inoo sameeyey hadaynu nahay hormoodkii xisbiga Waddani, rag iyo dumarba, gudoomiyaha aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa isku xidhkaa uu isku soo xidhay xisbiga kii maanta soo galay oo halkan Qoor-seef uu iman doono oo uu ka hadli doono iyo kii u horeeyey ay maanta halkaa wada fadhiyaan oo ay isku xuquuq yihiin oo uu mideeyey oo uu isku baray aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, ka soo qaybgalka aad idinkuna ka soo qaybgasheen aad iyo aad ayaanu idiinku mahadnaqaynaa oo aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Siyaasi Qoorseef oo ka mid ah siyaasiyiinta maanta ku soo biiray xisbiga Waddani ayaa waxa uu ka mahad celiyey casuumadan loo sameeyey, waxaanu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka mid noqdaan xisbiga Waddani, isagoo arimahasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay hadii aanu nahay team-kii cusbaa ee ugu dambeeyey qadasharaftan uu iskugu keen keenay anaga iyo rugcadaagii hore usii joogay xisbiga ee hogaaminayey inay isku barano.

Laga bilaabo maanta waxaanu diyaar u nahay  in si alaale iyo sidii aanu xisbiga wax ku tarayno aanu u hawlgalno, dhamaantayo insha allaah waananu joognaa, markii wixii qorshe ah iyo wixii nidaam ah xisbigaa leh oo anaga sidii aad noo hawlgalinaysaan diyaar ayaanu nahay”

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cheif Caaqil Rashiid Maxamed Jaanbiir waxa uu yidhi “Xafladii aan anigu saaka ka maqnaa odayaasheedii oo qadasharaftan aanu ku kulanay aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa waxaan idin leeyahay soo dhawaado. Anigu waxaan ahay qolada xisbiga Magta la bixisa macnihii waan taageersanahayh oo waan u ololeeyaa oo waan la socdaa, waxaanan aaminsanahay inuu yahay ka kaliya ee maanta in dalkan lagu aamino oo loo dhiibo ku munaasibka ah, waxaanan isleeyahay dalka lagu hagaajin maayo oo wax lagaga badali kari maayo oo lagu dhisi kari maayo qolo, waxa lagu dhisi karaa team hadii team isku xidhan oo reer Somaliland ah oo is ogol oo isku daacad ah oo isku ujeedo ah oo isku hadaf ah ayaa lagu gaadhi karaa.” Ayuu yidhi Cheif Caaqil Rashiid Maxamed Jaanbiir.

Ugu dambayntii waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Waddani, Musharax Cabdiraxmaan Ciro, waxa uu yidhi “Maanta hadhimo sharafeed ayuunbay ahayd, waxaanu ku soo dhaweynayaa hadhimo sharafeed siyaasiyiintii Magacaweyn lahaa ee xisbiga Waddani ku soo biiray dhawaan iyo kuwa maanta ku soo biiray labadaba, markaa waxaanu idinku soo dhaweynaynaa aniga oo magaciina iyo ka xisbigaba labadaba ku hadlaya xisbiga.

Sidii halkan laga sheegayna dhamaanteen waxa ina horyaala hawlo, maalmo uunbaynu xisbiga ku soo kala horaynay, markaa hawsha maanta ma kala lihine waynu wada leenahay, waynu ku soo wada dhawaanaynaa, markaa sida aynu u qorshaysanaynana waynu ka wada tashanaynaa” Ayuu  yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso