Wefti uu Hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyey Magaalada Bristol 

Wefti xisbiga KULMIYE katirsan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana ay xubno ka yihiin guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Md.Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) iyo siyaasi Axmed Muumin Seed oo kamid ah saraakiisha sare ee KULMIYE, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Bristol ee carriga Ingiriiska, waxana halkaas ku qaabilay saraakiisha xisbiga u qaabilsan deegaannadaas iyo taageerayaal tiro badan oo KULMIYE katirsan.
Weftigan oo hawlo shaqo ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha xisbiga u qaabilsan magaalada Bristol iyo taageerayaal kala duwan, waxana ay kala sheekaysteen sidii looga wada shaqayn lahaa inuu xisbigu mar labaad ku guulaysto talada dalka.
Madaxda xisbiga u qaabilsan magaalada Bristol oo kulamo kala duwan wada qaatay, ayaa si qoto dheer iskaga xog-waraystay sidii ay isku duubni ugaga wada qayb-qaadan lahaayeen guusha xisbigu raadinayo, isla markaana taageerayaasha kala duwan ee xisbiga, gaar ahaan kuwa deggen dalka Ingiriiska loogu wacyigelin lahaa inay qaybtooda qaataan.
Sidoo kale waxa ay weftigu warbixinno ay xaaladda dalka iyo midda xisbigaba kaga warramayaan siiyeen madaxda iyo taageerayaasha xisbiga ee magaalada Bristol, waxana ay ku boorriyeen inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, una guntadaan inuu xisbigu mar kale talada dalka ku guulaysto.   

Advertisement

Ku Xayeysiiso