Maxaad Ka Taqaanaa Jamhuuriyada Jasiiradaa Seychelles

Maxaad Ka Taqaanaa Jamhuuriyada Jasiiradaa Seychelles

Dalka Jamhuuriyada  Seychelles waxa ay kamid tahay dalalka qaarada Afrika waxayna qaarada kaga ka taalaa Jasiiradu dhinaca Bari. Afarta dhinacba waxa kaga wareegsan dalka Seychelles badwaynta Hindiya (Indian Ocean) dalku waxa uu ka kooban yahay laba jasiiradoo oo waa weyn iyo Jasiirado yar yar oo ku kala firidhsan hareeraha jasiiradaha waawayn.

Caasimada dalka waxa la yidhaahda   Victoria waxaana ay ku talaa dhinaca koonfureed ee dalka. Baaxada bedka dalka Seychelles waxa lagu qiyaasaa  175.68, oo (mayl laba jibaaran) oo u dhiganta 455.00, oo (kiiloo mitir laba jibaaran), Waxa lagu qiyaasada dadka Seychelles 88,340 (sideed iyo sideetan kun iyo sadex boqol iyo afartan ruux) waana tirakoobkii la sameeyay sanadkii tagay ee 2010ka. Dalka Jasiiradaha Seychelles waxa uu kamid yahay wadamada ugu dadka yar aduunka iyo qaarada Afrika-ba, Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah Luuqada Ingiriisiga, Faransiiska oo ah luuqada 1aad iyo luuqada Creole. Dadka aqoonta leh ee reer Seychelles waxa tiradoodu gaadhaa boqolkiiba 58.0%. diimaha ay kala haystaan qaybaha kala duwan Bulshada ee dadka ku dhaqan dalka Seychelles waxa kamid ah diinta Kiristanka gaar ahaan Roman Catholic oo dadka haysta lagu qiyaaso boqolkiiba 90%, Diinta Anglican-ka dadka haysta ayaa iyadana lagu qiyaasaa boqolkiiba 8%, halka boqolkiiba  2%-da soo hadhay ay ka haystaan diimo kale.  Celceliska ragga reer Seychelles waxa lagu qiyaasaa  65-sano, halka dumarka wadankaa u dhashayna ay ka gaadhaan cimri ku siman ilaa 76-sano.

Qaabka ay u shaqayso dowlada Jasiiradaha Seychelles waa nidaamka caanka ka ah aduunka ee Jamhuuuriga  (Government Type republic). Lacagta laga isticmaalo dalkana waxa la yidhaahdaa Seychelles rupee, Dhinaca wax-soo-saarkaa dalka Jasiiradaha Seychelles. Waxa uu leeyahay warashado , warshadahaasi waxay sameeyaan Kaluunka iyo Tuujinta geedaha Qumbaha  iyo Vanillaha, dhismaha doonyaha, qalabka guryaha iyo shaaraabka Dalaga ka baxa beeraha jasiiradaha Seychelles  waxa kamid ah Qumbaha, cinnamon, vanilla, baradhada macaan,  cassavanaha iyo  muuska. Dhulka la isticmaalo ee dalka Jasiiradaha Seychelles waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 2%. Khayraadka dabiiciga ah ee jasiiradaha Seychelles waxa kamid ah  kaluunka oo ah waxyaaha baha ugu fiican ee ay ka shaqaystaan muwaadiniinta Seychelles iyo geedka cinnamon, waxa kale dhaqaaluhu ka soo galaan dhinaca Dalxiiska

Dalka Seychelles oo ka kooban jariizado aad u badan ayaa waxa gacanta ku dhigay xiligii gumaysiga dowladaha ingiriiska iyo faransiiska, taasina waxa ay horseeday in badiba dadka ku dhaqan jasiiradaha kala duwan ee Seychelles ay ku hadalaan luuqadaha faransiiska iyo ingiriisiga, oo ah labada luuqadood ee ugu badan ee ay ku hadlaan muwaadiinta ku dhaqan jasiiradaha Seychelles

Waxaa Diyaariyay Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi

Advertisement

Ku Xayeysiiso