Gudaha Ka Eeg :Qodobada Ka Soo Baxay Shirwaynihii Xisbiga UCID Ee Qaaradda Yurub .

Shirweynaha UCID Yurub oo sanadkan ka qabsoomay shalay (sabti) 22.7 .2017 caasimadda Finland ee Helsinki, Hotelka Sokos President. Waxaa ka soo qeybgalay madaxda iyo saraakiisha sar sare ee xisibiga UCID laamihiisa YurubWaxaana goob joog ahaa gudoomiyaha ahna musharraxa xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Hussein.

Shirku Agendadhiisa wuxuu ahaa dar dargalinta iyo wacyigelinta xubnaha xisbiga UCID ee Yurub iyo isku diyaarinta doorashada Somaliland 2017. Shirku waxaa ka soo baxay qodobada hoos lagu xusay:

– In laamaha dibadda maskax iyo maalba ku taageeraan Xisbiga

– In laamaha dibadda ay muraaqibiin u soo diraan doorashada soo  socota

– In midnimada Somaliland iyo wadajirkeeda laga shaqeeyo

– In qabilyaadda iyo wax walba oo wadajirka ummadda burburinaya meel laga soo horjeesto

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso