Dan shaqsi dal ma gooyso ee ha dulmin dalkaaga w/q xildh saleebaan maxamed c/laahi ciro

marka hore waxaan mahad iska leh alaaha abuuray kawnkan aynu ku dhex noolahay ee aan dheeliga iyo daakiga midna lahayn kuna dhex abuuray noolaha tirade badan mid aynu arkayno iyo mid aynaan arkaynba

mar labaadka waxa mahad bahdan saxaafada ee had iyo jeer ku foogan ama ku hawlan sidii ay inoogu soo gudbin lahaayeen waxyaalaha ka dhacaya dalka iyo caalamka intiisa kalaba

manta waxa dalkan jamuuriyada Somaliland u diyaar garoobayaa doorasho ay ku tartami doonaan sadex murasha madaxwayne oo sadexda xisbi qaran ka kala sharaxah

sadexdaa murashax waa sadex murashax oo kala duwan dabeecad ahaan dhaqan ahaan wax qabad ahaan hadaba hadii aynaan ku dooran yaa kula qabiila ee aynu ku doorano keebaa wax qaban kara waxa aynu gaadhi doonaa waxa aynu doonayno qofkastaana jecel yahay qof kastana danta u ah oo reer Somaliland ah

hadii aynu wax ku doorano yaa reerkiinaana waxa aynu ognahay waxa aynu dooranay in aanu ahayn horumar ee uu yahay qabiil

qabiilna hadii aynu wax ku doorto oo aynaan wax ku dooran yaa wax qaban kara sadexda murashax ee inoo sharaxana aynaan miisaanka saarin ka wax qaban kara waxa aynu faaiidnay waa jare habaw hadii jare habaw yimaadana waxaad sugtaa  in lagaa badiyo oo qudha hadaba waxa aan manta u sheegayaa qof kasta oo reer Somaliland ah in aanay wax ku dooran keebaa lacag haysta oo wax kuu dhiibaya ama keebaa qabiilkaagaa ah ama keebaad heshiis la gashay oo waax kuu balan qaaday haduu ku guulaysto waxaad dooratay dan shaqsi oo hadhaw in ay fusho iyo in aanay fulini ay iskugu mid tahay kaad codka ku siisay  waxa manta dalka diinta iyo dadkuba u baahanyahay in heshiisyo dalka guud ahaantii dan u ah lala galo murashaxiinta xisbiyada iyada oo aan loo eegayn mid reer waxa ugu badan ee had iyo jeer loola tagaa sadexda murashaxna waa ta ugu badan wax loola tago inta aynu fikirkaa aaminsanahayna horumar waynu kala dheerahay wixa aynu dooranayna waa dantaa shaqsigaa dalkaagiina waxaad siisatay waa dan shaqsi dan shaqsina dal ma goyso ee waxaad wax  ku doorataa kii aad dan u aragto adigoon cidi kula talin adigoon dhagaysan hawraarta beenta ah ee ay kolba reer ku odhanayaan murashixiintu ee ay ku kala jiidanayaan reeraha

xildhsaleebaan@hotmail.com

xildhsaleebaan@gmail.com

 

allaah mahad leh

Advertisement

Ku Xayeysiiso