Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Huddisa, Laalays Iyo Geel Lookor .

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey deegaannada Huddisa, Laalay iyo Geel lookor oo dhinaca Bari kaga beegan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Dhammaanba dadweynaha ku dhaqan deegaannada, ayaa waddooyinka isugu soo baxay iyaga oo lula calanka xisbiga KULMIYE iyo caleemo qoyan, waxana ay muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin KULMIYE iyo siyaasaddiisaba, waxana goobo si gaar ah loo diyaariyey shacabka kula hadlay guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubno waftigiisa kamid ah, kuwaas oo uga mahadnaqay taageerada ay xisbiga u muujiyeen.
Madax-dhaqameedka, odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka, maamulka magaalooyinka, xildhibaannada golaha deegaanka, maayarka magaalada Berbera, guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo qaar kamid ah daweynaha ku dhaqan deegaannadan oo hadallo kooban jeediyey, ayaa shaaca ka qaaday in dadweynaha deegaanadaasi ka siman yihiin taageerada KULMIYE, isla markaana ku faraxsan yihiin jidka horumarineed ee uu dalka ku hoggaamiyo.
Xubno kamid ah waftiga guddoomiyaha oo iyaguna si gooni gooni ah ula hadlay shacabka deegaannadan ku dhaqan, ayaa soo dhaweyntooda uga mahadceliyey, waxana ay tilmaameen in waxqabadka KULMIYE sabab u yahay taageerada shacabka, iyaga oo intaas ku daray in taageeradani ibo-fur u tahay guul uu xisbigu ka gaadho doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna dhammaanba shacabka deegaannadan ku dhaqan mid walba si gaar ah ula hadlay, ayaa uga mahad celiyey taageerada luxdan ee ay KULMIYE u muujiyeen, waxana uu ku adkeeyey inay horumarka deegaankooda iyo horumarkaba ka shaqeeyaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso