Prof.Ibrahim Meigag Samater (A.H.U.N), Pprof.Xasan Ciise Jamac, Dr. Jamal Ali Xuseen Prof. Cabdisalan Yassiin Iyo Kuwo Kaleba Indhaheennu Ma Arag,Waase Qoomamay- Maantana Diplomat. Abdiraxman M. Cabdillahi Cirro Yaynaan Gefin Oo Dib Isu Qoomamamayn. Rasheed Ali Meigag Samater

Waxa yaab iyo ammankaag mar kasta innagu reebta sababta aynu mar walba doorasho ugu tacabno oo innagoo aan dhaqaale waafiya haysan, xoolo door ah iyo maalba ugu bixinno, si hoggaan la mahadiyo aynu u dooranno, dhib hore loo soo marayna looga badbaado. Hase yeeshee, mar kasta aynu ka gaabinno hoggaankii bulshadu higsanaysay oo inkastoo aan hawli innagu yarayn, haddana muddo yar dabadeedba madax iyo dad aan mudnayn xafiisyo mudan iyo maamul sare ku wada taxno oo markay fashilmaan dib ka ogaannaa inaynu farteenna mar kale eednay oo dad aan ku habboonayn xilka u dhiibannay, hoggaamiyaashii ugu mudnaa iyo qorshayaashii caqli-galka ahaa ee ay wadeenna hareeraha ka dhaafno.

Maanta doorasho ayaa innagu soo fool leh, saddex musharax oo sidii caadadu inoo ahayd aynaan ku kala saarayn qorshe iyo program aad u kala duwan laakiin mid waliba leeyahay shakhsiyad bulshadu si fudud u kala akhriyi karaan ayaa tartamaya.

Haddaba Bulshooy saddexda Murashax waxa ka mid ah siyaasi khibrad sare oo  Diblomasiyadeed leh, Cilmi adduunyo iyo mid Aakhiraba leh, aad u deggan, xishooda, Ixtiraam badan isla markaana daacad u ah dalkiisa iyo dadkiisaba. Waa nin jecel horena ugu dhaartay Somaliland oo ka mid noqota ummadaha caalamka, sannado badanna Qaranka daacad ugu shaqaynayay – Waa Mudane Cabdi Raxman Cabdillahi Cirro, Hoggamiyaha Xisbiga Waddani oo inagu hagi kara siyaasad miyir-qabta, lehna xirfad iyo aqoon ku qotonta waayo-aragnimo  oo aan hubo haddaynu gefno sidii hoggaamiyaal hore oo qiimo badanba aynu ugu gefney – inaynu haddana mar kale farteenna eedi doonno.

Haddaba hoggaamiye guul inoo horseeda inaynu dooranno ma waxaynu ku qiimaynnaa ama ku miisaannaa reernimo iyo qabyaalad? Mise xoolo iyo lacag la farraqo, mise guulo dagaal oo halgankii ummadeed loogu cimaamado? Mise ninba ninkuu ka hadal badan yahay ama ka dibindaabyo badan yahay, mise waxaynu doorannaa qof Ilaahay iyo Ummaddiisaba xaq-dhawra, tabashadaada aad kala hadli karto, is-weyneyn iyo yasid lagu aqoon, marna aan taariikhda lagu hayn caddaalad darro shaksi iyo mid qarantoona, oo isaga iyo Xisbiga uu hoggaanka u yahayna aanay marnaba qayb ka noqon Sicir Bararkan danyartii feenatay, taajirkii iyo wasiiradiinna kibir iyo dhoollatus ka qaadeen, Madax hanti/guryo ummadeed ama dekedo la xaraashay iyo dibindaabyo loo geysto haydaha qaranka hadday saxaafad tahay iyo hadday garsoor tahayba aan lagu tilmaamayn

Bulshooy gunaanadku waxa weeye maantay doorasho kale joogtaa ee BULSHOOY KALA  GARO BIYO IYO WEBI.

WA Billahi Tawfiiq

Rasheed Ali Meigag Samater

(Hoggaamiyaha Jaaliyadda Somalida W. London)     

   

Advertisement

Ku Xayeysiiso