Gudaha Ka Eeg :Garab La Baxay Garabka Raadinta Guusha Qaranka Oo Loolan Ka Dhex Dhaliyay Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE .

Garabka Raadinta Guusha Qaranka oo Ah Siyaasiyiin Miisaan Culus ku leh Dalka Horena Uga Tirsanaa Xisbiga UCID .

Sida Wararka Lagu Sheegay Garabkani Waxay Ka Kooban Yihiin 33 Masuul Oo Heer Qaran ilaa Heer Gobol ilaa Heer degmo iyo Qurbe Joogba Isugu Jira Waxaa Ka Dhex Muuqda masuuliyiin Culculus Sida

Ex Xohayihii Arimaha Debeda Yusuf Budle Isaaq

Ex Xoghayihii Arimaha Guddaha C/raxmaan Axmed Cali

Ex Afhayeenkii Heer Qaran ee Xisbiga Maxamed Xasan Khayr (Shabaash)

Ex Xoghayihii Duulista iyo Hawada C/qani Ismaaciil Maxamed (foodcadde)

Ex Xoghayihii Dhaqanka iyo Suugaanta Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

Ex Xoghayihii Abaabulka badhtamaha iyo Waqooyiga Yurub C/fataax Cali Samater

Ex Gudoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex Cabdi Dool Kaariye

Ex Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Aaden Xuseen Maxamed (Aaden Dirir)

Garabkan Oo Aad U Xoog Badan Iskuna Duuban Ayna Ka Dhex muuqdaan Rag Ololayaasha Doorashooyinka Ku Caan Ah .

Maalmahan Warkooda Ugu Xiiso Badnaa Suuqa Siyaasada Dalka Waxaa Jiray Wadahadalo Markii Hore Ay Kulmiye La Bilaabeen Laakiin Ilaa Dooraad Waxaa iyaguna Kusoo Kordhay Wadahadalo Cusub Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI ku Doonayo inuu ku Hanto Garabkan Awooda Badan ee Xisbiga UCID  Kasoo Jabay Waxaa Ilaa Shalay Dedaal weyn Waday Xisbiga Wadani Oo Doonayey inuu Kasbado Garabkan

Halka Xisbiga Kulmiye Aad Moodo In Laga Faras Dheerayn Doono, Waxaana Saamayn U Yeelan Doonta Meeshay Raacaan Garabkani Ololaha Doorashada, Maadaama garabkani culusyahay, Oo La Odhan Karo Iyaga Ayaa Ka miisaan Iyo Meeqaam Culus Garabkii Jamaal Cali Xuseen Ee Labada U Sii Kala Jabay

Dadka Siyaasada Saadaaliya ayaa leh Garabkan Saaxada Tartanka Cida Uu Raacaa Wacdaro ayey Ka Dhigi doonan Dadweynaha Waxay isha ku hayaan Garabka Raadinta Guusha Qaranka

Waxaana la dhag-taagayaa Maalmaha Soo socda Meeshay Saldhigtaan Garabkani Raadinta Guusha Qaranku .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso