Gudaha Ka Eeg :Wafti Ka Socda Xisbiga UCID Oo Kormeer Ku Soo Sameeyay Deegaannada Hoos Taga Gobolka Maroodijeex Ee Kaadh-Qaadhashadu Ka Socoto + Sawiro

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga UCID Maxamed Aadan Axmed, Isla markaana ay wehelinayeen Qaar ka mid ah Xog-hayayaasha Xisbiga oo kala ahaa Xog-hayaha Warfaafinta UCID Yuusuf Kayse C.laahi, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qaani Salaf Iyo Xoghayayaal Kale, Qaar ka mid ah Garabka Haweenka Ee Xisbiga UCId .

Waxaanay Waftigani ay kormeer ku soo sameeyeen Deegaanno hoos taga Gobolka Maroodijeex kuwaas oo ay si habasami ah uga socoto qaadashada Kaadhka Diinwaangalinta .

Waftigan ayaa waxay kormeer ku soo sameeyeen Deegaannada Kala ah, Salaxlley, Ina Guuxaa, Qoolbuullale, Labi-sagaale iyo Deegaanno kale.

Ujeedada Waftigani uu Safaradda ugu gaala bixiyay Deegannadaasi ayaa ahaa sidii ay u soo kormeeri lahaayeen Goobaha laga qaadanayo Kaadhka Codaynta, Sidoo kalena ay bulshada ugu wacyigalin lahaayeen Qaadashada Kaadhka Codaynta .

Waxaana Masuuliyiintu ay Deegaannadaasi ka jeediyeen khudbado ku tacalluqada Muhimadda kaadhka Codayntu u leeyahay iyo sida uu wakhtigu u koobanyahay .

Sidoo kale Masuuliyiinta Waftigu waxay afka ku adkeenayeen in Xisbiga UCID uu dhawrayo Sharciga, isla markaana aanay u socon olole, balse Socdaalkoodu ku koobanyahay Kormeer iyo in bulshada lagu baraarujiyo Qaadashada Kaadhka Codaynta .

Madax Dhaqameed iyo odayaal qeyb ka ahaa Waftigan ayaa iyaguna Bulshada Deegaannadaasi la maray ku boorinayay in ay qaataan Kaadhka Codaynta .

Murashaxiin u tartamaya Doorashooyinka Soo socda, oo iyaguna la hadlyay Bulshada Deeganadaasi ayaa  Bulshada ku adkeenayay qaadashada Kaadhkan .

Waxaa Xusid mudan in waftigan Xisbiga UCID uu socdaalkoodu ahaa Kormeer, Isla markaana aanay sidan wax astaan Xisbi ah, Sidoo kalena aanay Deeganadaasi ka samaynin Olole .

Guud ahaan Socdaalkan ayaa ku soo dhamaaday Guul, iyadoo Masuuliyiinta Xisbigu ay Xalay ku soo laabteen Magaalada Hargaysa .

Advertisement

Ku Xayeysiiso