Gudaha Ka Eeg :Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Iyo Wafti Uu Horkacaayo Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Degaanada Qorilugud, Coodanle, Balidhiig Iyo Dhoqoshay .

Wafti uu horkacaayo hoggaaminaya Xisbiga WADDANI Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa si ballaadhan waxa loogu soo dhaweeyay degaanada, Bali-calanle,  Qorilugud, Coodanle, Balidhiig, dhoqoshay, Nasiye, Sibidhlay. Socdaalka Waftigan oo la magac baxay “Walaaleeye” waxay u jeedadiisu ahayd sidii ay waftigu ugu kuur gali la hayeen  kaadh qaadashada ka socota degaanadaas iyo wacyigalinta bulshada ku dhaqan.

Magaalo kasta oo waftiga uu hoggaaminaayo Xirsi Cali Xaji Xasan ay gaadhaan waxa lagaga hortagaayay masaafo durugsan oo laga soo galbinaayay.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI iyo Xubnaha safarka ku wehelinaayay oo ay kamid ahayeen, Kaaliyaha Warbaahinta Muniir Axmed Cigaal, Xoghayaha Qorshaynta Muuse Yuusuf, Xoghayaha Amniga Xisbiga WADDANI Ibraahim Ducaale Boos, Xildhibaano Golaha degaanka ka tirsan iyo masuuliyin kale waxay ugu baaqayeen shacbiga ku dhaqan deganadaas  ay socdaalka Walaaleeye ku mareyeen inay qaataan kaadhka codbixinta si ay u gutaan waajibaadka Dastuurku siiyay, bulshada ku dhaqan degaanada kor kuxsan ayaa iyaguna dareen isku mid ah ku cadeeyay inay codkooda siin doonaan oo la garab taagan yihiin Xisbiga WADDANI.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI ayaa gudoonsiiyay Degmada Dhoqoshay Cagaf-cagaf ay baahi weyn u qabeen  Degmadu, taas oo Xukuumadda ka qaaday Magaaladaas, iyadoo Xisbiga WADDANI isku hawlay keenida Cagaftaas oo Magaalada ka moosaysa dooxyo ku soo jabay, waxana  ka gudoomay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan Guddoomiyaha Degmada Dhoqshay.

Dhinaca kale Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI iyo waftiga uu hoggaaminaayo waxay booqdeen Magaalada Sibidhlay oo ka aradan guud ahaan adeegyadi bulshada, iyadoo Xisbigu dhagax dhigay Xarun caafimaad oo si deg deg ah looga hirgalin doono Magaalada Sibidhlay. Dareenka dadweynahaas ka muuqday ayna ku qaabileen Xisbiga WADDANI ayaa guud ahaanba  ka duwanaa wararkii Xisbiga KULMIYE ka faafiyay shacbiga ku dhaqan jidaas oo uu sheegi jiray inay u khasban yihiin duruuf  kasta oo ay ku jiraan, balse waxa ka muuqatay dadweynaha rabitaanka inay codkooda wixii wanaagsan ku doortaan oo WADDANI  doortaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso