Warsaxaafadeed Xil Ka Qaadis Afhayeenka North America Ee Xisbiga Kulmiye

KULMIYE NORTH AMERICA
TIXRAAC: XK/XKNA0009/2017 12/07/2017

UJEEDO: XIL KA QAADIS

KU: Khadar Guun Jamac Afhayeenka North America Kulmiye
OG: Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye North Ameirca
OG: Hogaanka Xisbiga Kulmiye North America
OG: Gudoomiyeyaasha Laamaha Xisbiga USA iyo Canada
OG: Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa S/LAND
OG: Xoghayaha Guud Xisbiga kulmiye Hargeysa S/LAND

Markaan arkay xaalada siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye ee Canada ku sugan yahay waqtigan xaadirka ah, iyadoo Afahayeenkii North America khaddar Guun jaamac ka bilaabay laamaha Toronto iyo Ottawa kala qaybin,furfuris iyo burburin xubnihii gudiyada labadaas laamood ee kor ku xusan.Iyadoo hore laanta Ottawa kaa soo gudbisey dacwad , isla markaana aad ku dartay laantii Toronto.

Adigoo baal maray shaqadii laguu magacaabay oo ahayd afhayeenka xisbiga ee North America, isla markaana aad faragelin ku samaysay qaab dhismeedka labada laamood.
Waxaan gartay in aan la wadaago dacwada labaad ee laanta Toronto Hoggaanka North America , iyagoo hore uga war hayey tan laanta Ottawa.

Haddaba sida ku cad Qodobka 13aad, farqadiisa ( B,J,X iyo KH) ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE.Annigoo tixraacaya qodobkaas iyo xeerarkaas kor ku xusan, iyo ku dhaqankooda iyo fulintooda, loona baahan yahay in loo hogaansamo.

Markaan la tashaday Hogaanka North America ee Xisbiga Kulmiye:
1. Gudoomiye ku Xigeenka North America Mahdi Cumar Qaadi
2. Gudoomiyaha Canada Eng. Yusuf Carab Cali
3. Gudoomiyaha USA Axmed Cabdi Jaamac
4. Gudoomiyaha Guurtida USA Aniis Cabdilaahi Ciise
5.Gudoomiyaha Guurtida Canada Cabdinasir Maxamuud Xaaji Yusuf

Waxaan gartay qalinkii aan kugu magacaabay in aan Xilkii kaaga qaado.Waayo Xisbiga Kulmiye ma noqonayo laba garab oo is barbar yaaca ama iska soo horjeeda haddii aad uga baratay xisbigii aad ka soo diga rogatey.

ALLAHA WEYN BAA MAHAD LEH.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America
Mustafa Cabdi Cartan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso