Reer Qoryaale Oo Soo Dhaweyn Indhaha soo Jiidatay Ku Qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo

Shacabka ku dhaqan degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn aan loo kala hadhin ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana ay shacabka deegaanku waftiga ku qaabileen caleemo qoyan iyo astaanta uu xisbiga KULMIYE caanka ku yahay, iyaga oo muujiyey sida ay taageerada cuddoon ugu hayaan xisbiga. 
Siyaasiyiinta, xildhibaannada, madaxad-dhaqameedka, odayaasha, Dhallinyarada, Haweenka iyo dhammaanba shacabka deegaanka Qoryaalle, ayaa si aan kala hadh lahayn ugu soo baxay shaaricyada kala duwan ee magaalada, waxana ay waftiga u galbiyeen madal loo qoondeeyey in lagu wada hadlo, halkaas oo ay inta badan haldoorka bulshada deegaanku hadallo la xidhiidha taageerada ay KULMIYE u hayaan ka jeediyeen.
Madaxda kala duwan ee xubnaha ka ah waftiga sida xildhibaannada, wasiirada iyo madax-dhaqameedka, ayaa si kal iyo laab ah uga mahad celiyey soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, waxana ay shaaciyeen in soo dhaweyntoodu marag ka tahay sida bulshadaasi ula dhacsan tahay waxqabadka xukuumadda KULMIYE.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada deegaanka Qoryaale si weyn ugu mahadnaqay, waxana uu ku tilmaamay bulsho isku tashaday oo muujisay midhiha waxqabadkii KULMIYE intii uu xilka hayey ka hirgelilyey deegaankaas.

Advertisement

Ku Xayeysiiso