Gudaha Ka Eeg :Shacabka Degmada Qorulugud Mawjado soo Dhaweyn ah ku Qaabilay Weftiga Guddoomiye Muuse Biixi

Shacabweynaha ku dhaqan degmada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle, ayaa taageero aan loo kala hadhin ku qaabilay maanta wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo oo ay ugu guur galayaan habsami-u-socodka qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha ku maraya deegaanno kala duwan oo hoos yimaada Gobolka Togdheer.
Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo u hoyday xalay magaalada Qorulugud oo ay guuragal ku yimaadeen, ayaa badhtamaha suuqa ku qaabilay mawjado dadweyne ah oo boholyow u qaba la kulankiisa iyo taageerada xisbul-xaakimka Somaliland, kuwaas oo u galbiyey guriga martida ee magaaladaasi.
Gebi ahaanba dadweynaha ku dhaqan magaalada Qorulugud, ayaa goor hore oo saaka ahayd ahayd isugu soo baxay goob fagaare ah oo ay ku qaabileen Guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxaana halkaas hadallo mahadnaq, bogaadin iyo dardaaran ka jeediyey madaxda degmada, kuwa xisbiga, wasiirro, xildhibaanno, madax-dhaqameed iyo weliba hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha degmada Qorulugud Md. Maxamed Jar-ku-naban, Guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Mataan iyo Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE ee Gobolka Buuhoodle, ayaa ka hadlay soo dhaweeyey weftiga Guddoomiyaha KULMIYE, waxaanay shaaciyeen inay dhammaanba shacabka degmadu ka midaysan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE.
Chief Caaqil Cali Aadan Af-ku-waranle oo ka tirsan cuqaasha ugu magaca dheer degmada, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey weftiga, waxaannu dadweynaha reer Qorulugud ku dhiirrigeliyey inay codkooda iy cududoodaba la garabgalaan xisbul-xaakimka KULMIIYE oo halgan ugu jira inuu markiisii labaad kusoo noqdo talada dalka, isaga oo caddeeyey in hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi yahay shakhsiga ugu mudan inuu hoggaamiyo dalka maanta.
Guddoomiyaha beelaha deegaanka (Solomadow) Md. Saleebaan Gaarriye, ayaa isna ku dheeraaday sida ay dadweynaha deegaannadaasi u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, waxaannu madaxda xisbiga ugu bushaareeyey inay taladooda ku darsadaan codka reer Qorulugud oo KULMIYE u xaasil ah.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Md. Cabdirashiis Maxamuud Riyo-raac, ayaa dhankiisa ugu bushaareeyey Guddoomiyaha KULMIYE inay shacabka reer Qorulugud safka hore kaga jiraan taageerayaasha xisbiga, isla markaana aan cid kale looga shakiyi jirin, waxaannu ka digay dhegaysiga hadallo uu tilmaamay inay xanaf leeyihiin oo tashuush lagu galinayo taageeraya ay KULMIYE ee deegaankan.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa shacabka reer Qorulugud ugu ku dhiirrigeliyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta, isla markaana ay taageeradooda la garab galaan KULMIYE sidii ay markii horeba ula garab geli jireen.
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudaneyaasha Wakiillada ee xisbiga KULMIYE iyo Siyaasi Cabdikariin Xinif, ayaa iyaguna cudduda iyo taageerada ay shacabka reer Qorulugud muujiyeen ku tilmaamay mid astaan fiican u ah guusha xisbiga KULMIYE.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mahadnaq ballaadhan kaga dareen-celiyey soo dhaweynta baaxadda leh ee reer Qorulugud, waxaannu kula dardaarmay inay nabadgelyada ilaashadaan, si buuxdana u qaataan kaadhka codbixinta, isaga oo ugu baaqay inay nabadgelyo ku wada noolaadaan iyaga iyo shacabka reer Buuhoodle,.
Guddomiyuhu waxa uu maamulka Muqdisho uga digay farogelinta uu ku hayo Somaliland, gaar ahaan gobolka Buuhoodle, isaga oo reer Buuhoodle-na ku adkeeyey inay dhadhamiyaan qiimaha iyo

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso