Gudaha Ka Eeg :Musharaxa Madaxweynaha WADDANI Oo Tahli Kariwaayey Inuu Booqdo Deegaannada Beesha Bariga Burco

Gudoomiyaha iyo musharaxa xilka madaxweynenimada ugu tartamaya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa tahli kariwaayey inuu booqdo deegaanada ay degto beesha bariga Burco ee Gobolka Togdheer oo ay waqtigan ka socoto qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka soo socda.

Labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE oo ay kala hogaaminayaan labadooda gudoomiye, una sharaxan tartanka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi, ayaa maalmihii u dambeeyeyba ku sugnaa Gobolka Togdheer oo noqotay meel ay isku hayaan oo taageerada dadweynaha ku dhaqan la kala jiito, waxaanay inta badan socdaalo ku mareen degmooyinka iyo deegaannada hoos yimaada gobolka, iyadoo weliba xisbiga KULMIYE uu wefti ballaadhan oo uu horkacayo gudoomiyahoodu socdaal dheer ku gaalaabixiyey degmooyinka Oodweyne, Duruqsi, Dhoqoshay, Ballidhiig, Qorulugud, Qoryaale iyo War-cimraan iyo guud ahaan deegaannada hoos yimaada, kuwaas oo ay kala kulmeen soo dhawayno waawayn oo taageero ah.

Dhinaca kale, masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey xaflado iyo olole ka waday magaalada Burco xarunta gobolka, ayaa ka gaabiyey inay socdaalo laga arki karo baaxada taageeradooda ugu baxaan degmooyinka iyo deegaannada dibadda Burco, balse waxay si meeqaam hoose leh oo biiqbiiq ah u tageen dhul kooban.

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isagu ku dhici kariwaayey inuu booqdo dhamaan deegaannada ay degto beesha Madaxweyne Siilaanyo ama bariga Burco ee Gobolka Togdheer oo ah beesha ugu wayn ee taageeradeeda ay isku hayaan xisbiyadu, waxase uu Cabdiraxmaan Cirro socdaal ku tagay deegaanka beeshiisu ka jeedo oo keliya, gaar ahaan Oodweyne, taas oo muujisay in aannu doorbidayn ama uu ka quustay inuu wax taageero ah ka helo beeshaasi oo quwadeedu ku jirto xisbiga haya talada dalka ee KULMIYE.

Waxa kaloo jira in Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali X. Xasan oo isagu ka soo jeeda beesha bariga Burco uu socdaal ku maray deegaamo ka mid ah kuwa Cirro ka baaqday oo ay ka mid yihiin Qoryaale, Ina-Afmadoobe,  War-Cimraan, Bali-Calanle, Maxamed-ugaas, Taalo-buur, Heero iyo Shansha Cad, inkastoo aanu ka helin soo dhawayn fiican oo hiil u noqon kara xisbigiisa.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro ayaa la xasuustaa in aanu tagin inta deegaanada beesha bariga Burco ee Gobolka Togdheer waqtigii ay ka socotay diiwaangelintii codbixiyayaasha ee laga soo saaray kaadhkan Komishanka Doorashooyinku imika bixinayaan.

Arintani waxay banaanka soo dhigtay qorshaha Cirro uga meel yaal beesha bariga Burco oo loo haystay inuu aad u danaynayey iyo sida aanu awood ugu lahayn inuu ula tago qoshe uu cod ku waydiisto toona.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso