Xisbigani Degmada Ballicabbane ma Magac Cusub bu ula baxay waa Yaabe: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Xisbigani Degmada Ballicabbane ma Magac Cusub bu ula baxay waa Yaabe: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

 

 

 

 

 

 

Degmadan lama yidhaahdo Warcabbane ee waa degmada Ballicabbane, dadka aan aad ka u aqoon haddaan u yara taabto, waa goob halganki SNM ku suntan, waa xarunti tababarka dhiboogi jabhada, waa degmada miinadii ugu badnayd faqashtu ku aastay cabsi aawadeed oo dhowr iyo labaatan sano laga guri kari la’aa iyado haayadi miinada ee Halo Trust dagtayba, dadka deegaanku waxa ay si xooga oo naf hurnimo ah uga qayb qaateen dagaaladii dibu xoraynti dalka tusaale ahaan dagaalki buuraha waqooyiga Hargaysa waxa kaga dhintay deegaankan 10 mujaahid dagaalkaas oo qudha oo ay ka mid ahaayeen Mujaahidki wayna ee BKMka caanka ku ahaa Siciid Gadhwayne iyo Ahmed Madaxyare (Qoorgaab) oo khabiir ku ahaa dhigida iyo furida miinada iyo Siddeed mujaahid oo kale, waa meesha qudha ee shan askari oo gabadh kufsaday dagaalki ay deegaanku ka sameeyeen shantiba dawladi Siyaad dil ku xukuntay dishayna, waa goobti dufaaci xuduuda hawdka ciidanki ugu xooga badna degenaa ee faqashta intaan laga xorayn. Waa meel ka dhac wayn iyo liidid tani maanta in magaceeda nin khaldayaa u boodh u soo sameeyo, waana meel dadka hor boodayaa magaca deegaankaba aanay si fiican u garanayn. Dadka deegaanka marka ay balo dhacdo waa la iska horaysiiya laakiin marka nimcada lama yaqaano sida sabankaba muuqata iyo marka wax la qaybsanayo iyaguna ma aha qaar qaylo badan, dalka Soomaaliland waa dal kuwa qaylada iyo galaangalka badani madaxda noqdaan inta badan.

Anaguna waxa aanu lahayn ma deegaanka wax loo qabto. Waa degmada qolka galaaska ah laba fasal ku wada dhigtaan ee sabuuradaha la kala jeediyo halka iskuulada qaar lo’da iyo riyaha lagu xareeyo Soomaalilaand, taas ba la doonaya in ay durbaanka si u wada tunto, waabay tumayaane. Adiga oo is dhaafinaya dayaca deegaanka haddii magac kale laguugu yeedho laguna yidhaahdo noo raxlee saw in aad yaabto daw ma aha? Soomaaliland waxa jira reero badan oo awrta lagu kacsado mar walba, ee haddaad ila socoto dadka deegaanka oo dega ceelka Hargaysa ilaa ceelka Dhagaxbuur inta u dhexaysa oo xuduudaha reeraha ku teedsan oo colaadaha la iskaga dhigo, dadkani ma xaaba dabka lagu shito inta dheriga la karinayo, ka waran dharigii oo aan karinba haddii lagu ilduufo. Tani waxa ay muujinisa aqoon darada xisbiyada codka u cararaya ee deegaamada ay mar qudha u baahdaan si loogu codeeyo.

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Hassanhussein.haidaro@gmail.com; 0634418302

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso