Gudaha Ka Eeg : Ciidanka Dab-damiska Oo Ku Guulaystay Daminta Dab Ka Kacay Xaafad Ku Taalla Degmada Maxamed Mooge

Ciidanka Dab-demiska Caasimada ayaa ku guuleystay Daminta Dab ka kacay Guri ku yaala Xaafada Jarrato ee Degmada Maxamed Mooge Abaaro 12:30,waxaana Hawlgalkaa Ciidanka Dab-demisku ku gaadheen Daqiiqado yar markii lagu soo wargeliyay.

Sababta Dabkaa dhalisay ayaa Maamulka Ciidanka Dab-demiska u mulkiilihii gurigaa lahaa u sheegay inuu gubay ilmo yar oo ahaa ilmaha caruurta u weyn kaasi oo Leetar ku qabtay Furaash u dhawaa Daaha guriga sidaasina uu ku qabsaday dabku guriga.

Ciidanka Dabdemiska ayaa gurigaa damiyay isagoo aad u ololaya iyadoo ay agagaarkiisa ahaayeen guryo kaloo badan, waxaana sidoo kale ciidanka Dabdemisku gurigaa badbaadiyeen, wax dhimasho iyo dhawac ah oo gurigaa ka jiray muu jirin waxaana ugu horayn Affar caruur ah oo ku jirtay guriga ka saartay hooyada Gurigaa lahayd.

Dhanka kale dadweynaha goobta joogay ayaa aad u tira badnaa mararka qaarna aanay suuragal noqonayn meel samatabixinta laga sameeyo dabkana laga bakhtiiyo waxaanay aad ugu soo urureen goobtii dabku ka dhacay.
Laamaha Amaanka Caasimada gaar ahaan saldhiga Qudhac dheer ayaa iyaguna qayb ka ahaa hawlgalkaa.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso