Laba wada dhashay, balse la isku dacareeyey!

Waa laba is-qurxiya oo isku qurux badan. waa laba isku jira oo aan kala jirin. Waa laba wada jirkooga la isku jecel yahay ee aan la kala jeclayn. Waa laba is ilaaliya oo aan kala maarmin. Waa laba is qaabeeya oo qiime isku yeela. Waa laba haddii uu midi maqan yahay uu ka kale macno beelo. Waa laba haddii ay is raacaan dadkaba ka sarreeya, haddii ay kala tagaanna dadkaba ugu hooseeya. Waa laba marka ay wada joogaan qalbiyada dadka soo jillaabta, marka ay kala joogaanna qalbiyada dadku ay ka didaan.
Dedaal badan ayaa loo galay sidii loo kala dili lahaa ee loo kala durkin lahaa, qorsheyaal muddo dheer soo taxnaa ayaa loo dajiyey kaliya si la isku nacsiiyo, khiyaamooyin badan ayaa loo dhigay ugu yaraan si ay u kala shakiyaan, illaa iyo ugu dambayntii lagu guulaystay in la isku dacareeyo labadii isku malabaysnaa, maantana uu midiba meel ku go’doonsan yahay iyadoo la og yahay inay isku baahan yihiin. Ku fool xumaa kala maqnaanta, ku qurux badanaa wada joogga!
Xishoodka iyo inanta; laba wada dhashay balse la isku dacareeyey!
Geedku wuxuu ku qurux badan yahay caleemihiisa magoolka ah, inantuna waxay ku qurux badan tahay xishoodkeega.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Advertisement

Ku Xayeysiiso