Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham UK oo soo dhaweyn Balaadhan u Sameysey Madaxda Safaaradda Somaliland UK.

Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham UK oo soo dhaweyn Balaadhan u Sameysey Madaxda Safaaradda Somaliland UK.

Wafti ay hogaaminayso Safiiradda Somaliland Dalka UK . Ayaan Maxamed Cashuur ayaa waxay booqatay Jaaliyadda Somaliland Magaaladda Birmingham oo ah caasimada labaad ee dalka Ingiriiska . Jaaliyadda Magaladaasi oo isku duuban ayaa Xaflad balaadhan oo soo dhoweyn iyo maamuus ah u sameysey Weftiga ka socday Safaaradda S/land ee Uk.

Waxa ay ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay isla-markaana ay dad aad u fara- badan yimaadeen. kuwaasi oo ka koobnaa qaybaha kala gedisan ee Jaaliyadda S/land ee Birmingham Sida. Xisbiyadda Qaranka S/land. Xubno ka midda Gudida Ictiraaf-raadinta Somaliland . , Haween , dhalinyarro  iyo Somaliland Comunityadda oo dhan. 

Dadka xafladda ka soo qayb-galay ayaa xusay, inay aad ugu faraxsan yihiin inay Safiiradda iyo hawlwadeenadeedu soo gaadhaan Jaaliyadda Birmingham  oo aad u jecel in wadanka Somaliland hello Aqoonsi , Horumar iyo Nabadgelyo Buuxda si ay u noqoto meel ay ku faanaan markasta .

Dhammaan dadkaasi waxa ay Safiiradda u gudbiyeen hadallo soo dhaweyn ah iyo talooyin ku aaddan sida ay u wada shaqayn karaan Safaaradda Uk iyo Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham.

dhamaan intii halkaasi ka hadashay goobta xaflada ee weftiga safaaradda lagu soo dhoweynaayey, ayaa waxay isku waafaqsanayeen in si gacal-tooyo leh u soo dhoweeyaan Safiiradda Ayaan iyo wafdigeedda oo ka koobnaa 5 qof oo ay kamid ahaayeen:- 

 1.Safiirka Safaaradda JSLee Carriga Dalka Britain Ayaan M.Cashuur.

2.Safiir ku xigeenka Safaaradda UK . Mudane Daahir Tukaale Askar.

3.Maxamed Wersame Boos . (Wakiilka Siyaasadda Iyo Maal-gashiga).

4.Maxamed Xasan Buuni ( Madaxa Baratokolka Safaaradda).

5.Yurub Qaalib Faarax . (Xidhiidhka Arimaha Bulshadda).

Intaa ka-ddib waxaa ka hadashay . Safiiradda Ayaan M. Cashuur

waxaa ka mid ahaa hadaladeeddii , In ujeedadda safarkeedu uu ku qotamay marka hore, Isbarasho . 

Isbarasho iyo soo dhaweyn ka dib,  waxaanay xustay in aan helno macluumaad inagu filan . sidii aan dhammaanteen aan uga wada qayb-geli lahayn. doonista qaabka ictiraafka iyo Horumarka Somaliland. Taasina waxay xoojinaysaa ayey tidhi. wada shaqeynta buuxda oo u dhexeysa Safaaradda Somaliland UK oo mataleysa Bulshada S/land qaybaheeda kala duwan.

Safiiradda Ayaan Maxamuud Cashuur, oo ah gabadh  ka soo shaqeysay Arrimaha Horumarinta Dhaqanka Somaalidda Yurub. Ayaa Dabayaqadii Bishii Oktobar 2016. Safiiradda Ayaan Cashuur La Gudoonsiiyay Jaa’isadda loo yaqaan MBE Ee Ay Bxiso Boqoradda UK . jaa’isadaasi oo masuuliyiinta dawladda UK ka tirsan ay u magacabaan kolba cidda shaqooyinka Arimaha Bulshadda ku saabsan si weyn uga shaqeysa.

ugu danbeyn :- Dhamaan Madaxda Safaaradda Waxay  u hambalyeyeen jaaliyadda Birmingham oo isku-duuban sidii wacnayd ee ay u soo dhaweeyeen , waxayna yidhaahdeen  waxaanu diyaar u nahay inaan la hadalno qof kasta oo Somaliland ah. gaar ahaana jaaliyadda Somaliland . si loo hello ayey yidhahdeen. xal buuxa iyo qorshe dhan oo aan ugu wada shaqeyno wadankeena Somaliland.  waxay kale oo ay tilmaameen inay ugu yimadeen dadka Somaliland ee Birmingham“Wada tashi” iyaga oo sheegay in mari doonaan jaaliyadaha kale ee Somaliland oo ay ka mid yihin magaalooyinka wadanka Ingiriiska dhamaantood.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay muhiim tahay inaynu ka midowno oo aynu ka wada shaqeyno . waa sida ay hadalka u dhigeene danta guud ee dalka Somaliland lana mideeyo markasta shacabka reer Somaliland ee dalkan degan , anagana (Safaaradda Uk)  diyaar ayey u nahay waxkasta wixii karaankooda ah. iyadoo ay tahay maanta tahay booqasho guud oo aan ku marayno. wadanka oo dhan. hadana waxay sharaxeen shaqadda iyo adeega ay bulshadda u hayaan . inay noqon-doonto mid loo wada simanyahay.

waxaanu sidasoo kale rajo weyn ka qabaa ayey yidhaahdeen madaxda Safaaraddu.  in ay ku dedaali donaan sidii ay shacabka reer Somaliland ee degan dalkan Ingiriiska ay xidhiidh wacan ula yeelan lahaayeen. Waxa kale oo ay kula dar-daarmeen dhamaan Bulshaweynta reer Somaliland inay ka shaqeeyaan Horumarka iyo Iskuduubnidaba ayna ka war hayaan dalkoodii hooyo.waxaana munasabadan ay ku soo geba-gebowday jawi farxad badan.

Adan Yusuf Elmi

Birmingham/Uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso