Xisbiga Xaakimka Sida Kulmiye oo Kale ahi ma wax u diidayaa jira in uu Isbadal wax sixid iyo Hiigsi Hor leh la Yimaado

XISBI XAAKIM SIDA KULMIYE OO KALE AHI MA WAX U DIIDAYAA JIRA IN UU ISBADAL,WAX SIXID IYO HIIGSI HOR LEH LA YIMAADO?

W/Q Maxamed Dahir Axmed
Dunida in badan ayay ka dhacday in xisbi dib u habayn iyo dib u cusboonaysin isku sameeyo(Self Renewal),isagoo la gole imanaya murashax cusub,barnaamij iyo balanqaad hore leh.
Xisbi kasta muddo xileedka koowaad waxa uu unoqdaa khibrad iyo wax koradhsi (Lesson learned),taasi oo u sahasha in uu wax badan saxo muddo xileedkiisa labaad,meelihii lagu guulaystayna sii xoojiyo,meelo cusub oo wax laga qabtana ikhtiraaca.
Haa Way jiraan arrimo u baahan in la saxo wadankeena,balse suaashu waxa ay tahay ayaa sixi kara? Ma Mudane Cirro iyo xirsi oo midna golaha sharci dajinta 13 sanno ee u danbeeyay irbada suuxdinta ku muday,ka kalana waxa uu dalka ka sameeyay lixdii sanno ee uu wasiirka madaxtooyada ahaa aynu ka wada dharagsanahay ayaynu isbadal iyo wax sixid ka sugnaa. Aniga ilama ah. Aniga waxa ay ila tahay hadii ay jirto cid dibada ka joogtay dawladnimadeena saddexda murashax ee tartamaya waa Muse bixi iyo Faysal Cali waraabe,waayo Murashaxa Waddani waxa uu haystaa dhadhaar ka mid ah saddexda dhadhaar ee dawlanimadeena,kumana andacoon karo anaa wax saxaya. Muse bixi waa iscadeeyay oo halbeegiisa waa inoo sheegay,waxana uu halbeeg amba standard ka dhigtay Madaxwaynayaasha Africa ka ugu wax qabadka badan ee dalkiisa iyo dadkiisa horumar gaadhsiiyay,kaasi oo ah Madaxwaynaha Rwanda .Ninka aan halbeek iyo hiigsi cad lahayni waa murashaxa Waddani Mudane Cirro. Heegsigiisu waa mar uun madaxwayne iga dhiga si aan irbada suuxdinta ugu muddo guud ahaan dawlada sidii aan ugu muday irbada suuxdinta golaha sharci dajinta 13 sanno ee u danbeeyay.
Xisbiga Waddani ka socon mayso dooda jaban ee ay la wareegayaan ee ah Kulmiye kulmiye lagamu badali karo,waa iga su’aale hadaa ma ninkii ku fashilmay hogaaminta golaha sharci dajinta oo ah dhadhaar ka mid ah saddexda dhadhaar ee dawladnimada,ayaynu Madaxwayne u doorano?,taasi wax micno oo ay samaynaysaa ma jirto.
Isbadalku ma aha wasiir wasiir lagu badalo sida reer waddani u fahmeen,balse isbadalku waxa weeyi in ficil iyo xal loo turjumo mushkiladaha dhaqan dhaqaale ee bulshadeena ku xeersan. Taasi oo Xisbiga Kulmiye barnaamij siyaasadeedkiisa ku qeexay,murashaxiisuna balanqaaday in uu fulintiisa ka dhabaynayo.
W/Q Maxamed Dahir Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso