Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Khudbad Ka Jeediyey Munaasibad Lagu Daahfuray Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Gobolka Togdheer .

 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasibad lagu daahfurayey qaadashada kaadhka codbixinta doorashada ee Gobolka Togdheer ayaa si qoto dheer ugaga hadlay muhiimada qaadashada Kaadhka Codbixintu ay leedahay iyo in dhamaan dhinacyada ay khusayso kaadh qaadashadu ay u hogaansanaadaan sharciga.

Musharaxa xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Ciro, waxa uu tilmaamay in aanu rumaysnayn inay dhici karto in Kaadhka codbixinta cid ama xisbi uu boobi karo, isla markaana loo baahan yahay in badhasaabada goboladu ay dhexdhexaadnimo muujiyaan hadhow cida ay doonaan ha u codeeyaane.

Murashax Cabdiraxmaan Ciro ayaa sidoo kale waxa uu khudbadiisa uu shalay ka jeediyey munaasibada lagu daahfurayey qaadashada kaadhka codaynta ee gobolada Togdheer iyo Maroodi-Jeex oo ka dhacday magaalada Burco uu ka sheegay in xisbi ahaan ay kalsooni buuxda u hayaan Komishanka doorashooyinka qaranka, isla markaana cidii Komishanku ay ku qabtaan musuqmaasuq xisbiga uu doono ha ahaadee ay taageerayaan in la xidho oo sharciga lala tiigsado.

Khudbada Musharaxa Doorashada Madaxtooyada ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) uu xafladaasi ka jeediyey ayaa waxa uu ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaynu maanta iskugu nimid daahfurka kaadh qaadashada gobolka Togdheer, isagoo isla maantana uu ka bilaabmi doono gobolka Maroodi-jeex, Waxaan u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee inoo qorsheeyey suurtagaliyeyna munaasibadan balaadhan ee daahfurka ah ee sida wanaagsan loo soo agaasimay.

Waxaanu dhinacayaga u cadaynaynaa in aanu si wanaagsan ula shaqaynayno, kalsoonidana hore ayaanu u siinay Komishanka doorashooyinka.

Walaalayaal;- waxaan shacbiga gobolka Togdheer iyo Maroodi-jeexba aan ugu baaqayaa hal dardaaran oo halkana lagaga soo celceliyey oo ah muwaadin kasta oo jooga gobolka Togdheer Iyo Gobolka Maroodi-jeex ilaa uu qaato kaadhkii uu isku diiwaangaliyey si uu u helo xuquuqda ah inuu doorto cida uu taageersan yahay.

Waxaan Komishanka Doorashooyinka ugu baaqayaa oon ku dhiirigalinayaa in sharciga aynu ku shaqayno, kuna dhaqano, kuna adkaano, wuxuu sheegay Komishanku khaladaad labadii gobol ee hore ka soo baxay, waxaan waafaqsanahay in sharcigu qabto masuuliyiinta Axsaabta haduu yahay Waddani, haduu yahay UCID iyo haduu yahay Kulmiye.

Waxaan boqolkiiba boqol aan taageerayaa in masuulkii ka tirsan xisbigayaga uu sharcigu qabto oo hadii uu xadhig mudan yahay la xidho. Waxaanu warbaahinta ka maqlaynay Gudoomiyihii Gobolka Salal ee xisbiga Kulmiye waxa lagu qabtay wax-is-daba-marin, kuwa xisbigayaga Waddani-na waanu uga digaynaa in waxaas oo kale ay dhacdo, waxaananu leenahay hadii Sharci la idinku xidho waanu taageeraynaa in la idin xidho.

Baryahan dambe, oo aan taageerayaa in asxaabta dhamaantood, Komishanka doorashooyinka, hay’adaha amniga iyo Gudoomiyeyaasha Gobolada dhamaanteen aynu si wanaagsan uga qaybqaadano oo dhexdhexaad ah si ay kaadh qaadashadu si wanaagsan inoogu dhamaato, inkastoo ninkii halkan ka hadlay uu yidhi Muuse ha la taageero bal waynu dhageysan doonaa Ramaaxna waxa uu yidhaahdo.

Waxaanu leclaan lahayn xisbi-nimada inay hoosta ku haystaanoo oo muuqaalkoodu marka hore uu noqdo dhexdhexaad hadhow ha u codeeyaanbee.

Waxa baryahan saxaafada ku soo noqnoqonaysay Kaadhadhka waa la boobayaa, Doorashada waa la boobayaa, waxaan rumaysnahay anigu in arintaasi aanay dhici karin, Muuse-na wuu cadeeyey, yeelkadeede haday jirto cid ku riyootay waxaanu leenahay arintaasi arin suurtagalaysa maaha, Muwaadiniintuna way siman yihiin sharciga hortooda oo qofna qof ma boobi karo, xisbina xisbi ma boobi karo.

Arintaana waxaan kaga dardaarmayaa uun Ismaaciil Mire gabay dheerbaa jirayoo oo uu rag badan kula dardaarmay oo la yidhaa ‘Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa, Kaa Ha La Ogaado’, waxaan kaga baxayaa go’aan kasta oo ku soo baxay si xor ah oo xalaal ah oo komishanku soo saaro in aanu diyaar u nahay in aanu aqbalno.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso