Gudaha Ka Eeg :Hudhel Casri Ah Oo La Magac-Baxay Hargaysa Gate-Way Oo Maanta Xadhiga Laga Jaray + Sawiro

Waxaa Maanta si rasmi ah xadhiga looga jaray Hudheel cusub oo la magac baxay Hargaysa Gate-Way Hotel .

Hudheelkan ayaa waxa maalgaliyay oo Mulkiyadeeda wada leh Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo ah Duqii Hore Ee Caasimadda Iyo C/raxman Sheekh Cali Sahal .

Ugu horayn Waxaa Hudheelkaasi Xadhiga ka jaray Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda kalluumaysiga Dr Fu’aad C.salaan .

Xaflad ka dhacday Maanta Hoolka Hudheelkaas, Ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mulkiilayaasha, Qaar ka mid ah Haldoorka Somaliland oo isugu jiray, Ganacsato, Madax-Dhaqameed, Suxufiyiin, Masuuliyiin xilal ka hayaa Xukuumadda, Iyo Marti sharaf kale .

Waxaa Halkaasi ka hadlay Mulkiilayaasha Hudheelkaasi Eng Xuseen Maxamuud Jiciir Iyo C/raxman Sheekh Sahal, Waxaanay sheegeen in Hudheelkani ka koobanyahay Afartan Qol oo Hurdo ah, iyo qeybtii Cuntada oo ay ka shaqeenayaan Hawl-wadeen Adeeg Hufan Siinayaa Macaamiisha .

Sidoo kale Waxay sheegeen in Hudheelkani uu shaqaalaysiiyay shaqaale Kor u dhaafaya 50-Ruux, iyagoo halkaas-na ka ballan-qaaday in ay Hudheelku uu noqon doono mid ay ku diirsadaaan Bulshada Reer Somaliland .

Maayirki Hore Caasimadda Eng Xuseen Jiciir oo dul istaagay Magacaa Hargaysa Gate-Way ayaa sheegay in Macnaha magacani xambaarsanyahay uu yahay Halkii Hargaysa laga soo galay, Maadaama Hudheelku uu ku yaallo halkii laga aasaasay Hargaysa oo ah Xaafadda Jameeco-Wayn Ee Hargaysa .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Muj Xasan Guure, Oday Cabdi Laangadhe, Suxufi Maxamuud Ducaale, Suxufi Idiris Xasan Cigaal Iyo Haldoor Kale, Waxaanay Dhamantood soo dhaweeyeen Hudheelka Cusub ee Hargaysa Gate-Way .

Ugu danbayn Waxaa Halkaasi ka hadlay oo soo xidhay xafladdan Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Hawada Mudane Cumar C/laahi Aadan, Waxaanu gacmo-furan ku soo dhaweeyay Hudheelkan Cusub Ee Hargaysa Gate-Way Hotel .

 

 

Khudbadiii Ganacsade C/raxman Sahal

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso