MURASHAXA WADDANI WAXA UU KU FASHILMAY HOGAAMINTA GOLAHA WAKIILADA IYO SAMAYNTA SHURUUCDII DALKA ANFICI LAHAYD.

MURASHAXA WADDANI WAXA UU KU FASHILMAY HOGAAMINTA GOLAHA WAKIILADA IYO SAMAYNTA SHURUUCDII DALKA ANFICI LAHAYD.

Aqalka wakiilada ee uu hogaamiyo Mudane,Abdiraxman Cirro,waxa uu dayacay in uu ka shaqeeyo danta guud ee bulshada Somaliland,isagoo ku guuldarastay in uu curiyo sida uu distoorku dhigayo,golahana horkeeno qabya qoraalka xeerarka danta umadu ku jirto.
Xeerarka umada Somaliland sida wayn ugu baahnayd,hadii goluhu ansixin lahaana waxa wayn ka tari lahayd horumarkooga dhaqaale iyo bulsho waxa ka mid ah:
1. Xeerka ilaalinta tayada dawooyinka (Drug administration and safety act),manta waynu la wada soconaa tayada dawooyinka dalkeena la keeno, oo iska daa in wax ay daweeyaane,bulshada ku sii abuura xanuuna kale,waxa aad arkaysaa dawooyin sida alaabta loo miisayo oo bilaa tayo ah. Marka la eego lacagta adag ee inagaga baxda socdaalada caafimaad ee dibada aynu ku tagno (Medical tourism),ka dib markii umadu ka aanmin baxday dawooyinka dalkeena yaala,dadku way iibsan lahaayeen dawo fiican oo tayadeeda la hubiyay hadii ay dalka ka helayaan,balse golihii wakaalada ee aynu dooranay ee Cirro hogaaminyay waxa ay isku badaleen NGO,ay Cirro iyo inta la socotaa ay ku qadhaabtaan.
2. Xeerka ilaalinta xuquuqda shaqaalaha raydka ah (Civilian staff rights act,),sida aynu la wada socono xuquuqda shaqaalaha raydka ah xeer ilaaliya iyo cid si gaar ah isugu xilsaarta ma jirto,waxana lagu xadgudbaa xuquuqahooga asaasiga ah sida saacadaha shaqada,xuquuqda marka uu xanuusado iyo marka uu shaqada ka tago
3. Xeerka amniga qaranka (National security act),ee lagu casriyayn lahaa haayadaheena amniga sida booliska,sirdoonka,iyo ilaalada xuduudaha,oo baahi wayn aynu u qabno marka loo eego mandaqada aynu ku naal oo khatarteeda amni marba marka ka sii danbaysa ay sii xumaanayso.
4. Xeerarka dib u habayn iyo casriyayn loogu samaynayo haayadaha dawlada iyo sida ay u shaqeeyaan(Public sector reform bills),sida dib u habaynta haayada hantidhawrka (Audit reform),dib u habaynta qaabka ay haayadaha dawladu wax u soo iibsadaan (Public procurement reform),dib u habaynta qaab xisaabeedka dawlada (Public financial accountability act),dib u habaynta cadaalada (Justice reform),xeerka dib u habaynta shaqaalaha dawlada (Civil service reform),xeerka dib uhabaynta cashuurta (Tax reform),manta waxa aynu ka wada dharagsanahay in cashuurta inta badan ay ku dhacdo dadka danyarta ah,balse aanay ku salaysnayn awooda dhaqaale iyo dakhli ee cashuur bixiyaha
5. Xeerka amaanka wadooyinka (Road safety act),waxa aynu ka wada dharagsanahay sida ay u sii badanayaan khasaaraha dhimasho,dhawaac,iyo hantiyeed ee bilwalba ka dhacaya dalkeena,golihii aynu dooranayna aanu ka naxaynin,balse gudoomiyahoogii uu meel kale u sii hanqal taagayo.
6. Xeerka dib u soo doorashada golaha wakiilada iyo waliba kala xadaynta dagmooyinka iyo gobalada dalka oo toban sanno golaha hor yaalay,balse Cirro iyo goluhuba kaga mashquulay ariimahooga gaarka ah.
7. Xeerka iibinta hantida qaranka (Public asset privitazation act),in badan ayaynu maqalaa dawlada ayaa iibinaysa hanti qaran,in kastoo distoorku u fasaxayo in ay dawladu iibiso,kiraysana hantida qaranka,golaha wakiilada ayay ahayd in ay sameeyaan xeerkii lagu maamulayay,waayo shaqadoodu waxa weeyi isku dheelitirka iyo hubinta awoodaha dawlada (Check and balance).
8.Xeerka tayanta iyo ilaalinta tayada waxbarashada (Educational standards act),waxa in badan bulshadeenu ka cabataa hoos u dhaca tayada waxbarashada dalka hadii ay tahay waxbarashada sare iyo hadii ay tahay ta hoose/dhexeba,hadaba golihii aynu dooranay muxuu ka yidhi amba ka qabtay,waa suaal mudan in la iswaydiiyo.
By:Abdi Daakir
London,United Kingdom

Advertisement

Ku Xayeysiiso