Gudaha Ka Eeg :Bulshada Ku Dhaqan Degmada Axmed Dhagax Oo Xaflad Soo Dhawayn Iyo Taageero Ah U Sameeyay Xog-Hayaha Guud Ee Xisbigaasi Ee Dhawaan La Magacaabay + Sawiro

 

Bulshada Iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID Ee Degmada Axmed Dhagax Ee Hargasya ayaa maanta xaflad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyay Xog-hayaha Guud Ee UCID  Ismaaciil Cabdi Daahir .

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla  markaana ka qabsoontay Hadhwanaag Hotel, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Masuuliyiinta Xisbiga Ee Heer-Qaran iyo Heer-Gobol, Haween, Dhalinyaro iyo taageerayaal tiro-badan oo ka soo jeeda Degmadaasi .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxda Xisbiga Ee Heer Gobol iyo Heer-Degmo, Waxaanay gacmo-furan ku soo dhaweeyeen Xog-hayaha Guud Ee Cusub ee Gudoomiye Faysal Dhawaan Magacaabay .

Waxaanay Sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin Magacaabista Xog-hayaha Guud Ee Xisbiga, Isla Markaana ay si wada jir ah uga hawl-gali doona hawlaha Xisbiga UCID .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Haween iyo Madax-Dhaqameed, Waxaanay si isku mid ah u soo dhaweeyeen Taageerana u muujiyeen Xog-hayaha Guud Ee UCID Mudane Ismaaciil Cabdi Daahir .

Waxaa Xusid Mudan in dhamaan Taageerayaasha iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ay madaxa ku xidhnaayeen Weer-Cad, kaas oo ay ku muujinayeen, sida loogu hungoobay Midawgii dhacay 1/7/1960, ee ku midoobeen labadii dal ee Somaliland iyo Somalia oo maanta ku beegnayd .

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee UCID Mudane Basbaas oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in la shaqayn doonaan Xog-hayah Guud Ee Xisbiga, Isla Markaana uu u rajeenayo in alle u fududeeyo Xilkaas culus ee loo igmaday .

Gudoomiyaha Ahna Muraashaxa Madaxweyne Ee UCID  Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad dheer oo dhinacayo badan taabanaysay, waxaanu dul-istagay Xaaladda Lagu jiro, isagoo carrabka ku adkeeyay dabino uu sheegay in ay soo maleegayaan cadawga Somaliland .

Sidoo kale Gudoomiyuhu Isagoo Madaxa ku xidhan Weer-Cad Waxaa uu ka waramay sidii Somaliland ay ugu hungowday Midawgii ay la gashay Somalia Sannadkii 1/7/1960 .

Ugu danbayn Wuxuu u mahad-naqay Dhamaan intii soo qaban-qaabisay Xafladan lagu soo dhawaynayay Xog-hayaha Guud Ee Xisbiga, Isagoo u rajeeyay Xog-hayaha in uu alle ku asturo Xilkaas .

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso