Wasiirka Madaxtooyadda oo Kulan is xogwaraysi ah la yeeshay dalka Sucuudiga

Weftigii uu hogaaminaayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu oo kulan is xog waraysi ah iyo Dabaal dega 26 june ah la yeeshay jaaliyada Dalka Sucuudiga

 

Jeddah (ToggaHerer) Weftigii Somaliland ee ku sugnaa Sucuudiga ayaa kulan la qaatay Jaaliyada reer Somaliland ee degan Dalka Sucuud, waftigan oo uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi  oo ay ka mid ahaayen Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Sacad X Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, Wasiirka Wasaarada Qorshayanta iyo Haruumarinta Maxamed Ibraahin “Qabo”, iyo masuuliyiin kale ayaa in dhawayadba ku sugnaa Dalkaasi Sucuudiga.

Waftigu waxa ay kulankaas warbixino kaga dhagayteen Jaaliyada reer Somaliland ee degan Dalka Sucuudiga,  halka ay iyaguna warbixin  ka siiyen Xaalada Dalkooda hooyo ee Somaliland.

Kulankan oo muuqaala iyo hadaladii ay masuuliyiintu ka jeediyen hoos ka daawo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso