Oggolow in lagu Hogaamiyo – Adna Kursiga Danbe ka Hogaami

Oggolow in lagu hoggaamiyo – Adna Kursiga Danbe ka Hoggaami. Abdirashid Jeeni

Waddanka South Africa waxa in badan haystey gumeyste bulshadaas aad u kala qaybiyey, waxayna gumeystahaasi bulshadaa badeen dhibaatooyin iyo mushkilado aan tiro lahayn, waxay jeelasha ku gureen dhamman acyaantii bulshadaasi lahayd, waxana ka mid ahaa Nelson Mandella oo ahaa isku-xidhaha hoggaamintii hore iyo tan casriga ah.

Nelson Mandella ma uu xoreyn oo keli ah South Africa, balse wuu hoggaamiyey, markii danbena waxa laga dhaxlay aragtiyo iyo casharo badan oo hoggaamineed oo leh saamayn dhab ah. Aragtiyahaa Waxa ka mid ah Kuwa uu u bixiyey “Siddeedda cashar ee Hoggaaminta” waxana ugu qiimo iyo layaab badan qodobka uu ku soo kordhiyey hoggaaminta ee odhanaya “Lead from the back – and let others believe they are in front” oo nuxurkeedu yahay “Bulshadaada ka hoggaami kurisga danbe, iyaguna ha kula xaqiiqsadeen in ay kursiga hore kuu saaran yihiin, halgankana safka hore kaga jiraan” 

Aragtidan waxay iskaga mid yihiin oo si la taaban karo uga shaqeysiiyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Cirro, wuxuuna bulshada cashar ahaan u tusayaa in aan hoggaamintu ahayn in oo qudha in aad mar kastaba kursiga hore saarnaato, amarro ad-adagna dadka u yeedhiso, balse ay tahay in aad mas’uuliyadda daadejiso, kaydka bulshadana si waafi ah uga faa’iideyso. Hoggaamintan ayaa ah mid si fudud loogu abuuri karo hoggaamiyeyaal kale oo beri dalka u arrimiya. 

Qorshaha ah in aad marmarka qaar bulshada gadaal ka hoggaamisaa ma aha hawl fudud, waxay u baahan tahay hoggaamiye leh, dulqaad, degganaan iyo qiyaas, waxa kale oo ay u baahan tahay hoggaamiye leh aragti ka durugsan sawirka iyo amarka maanta, balse ay u muuqato hoggaaminta guusha berri. Taas beddelkeeda, hoggaamiyaha markastaba hor-boodaha ahi waxa uu kan hore kaga duwan yahay ad-adayg aan aragti ku dhisnayn, kaas oo aakhirka sabab u noqda maamul-daadejin la’aan keensata kala-amar-qaadasho la’aan iyo ugu danbeynta is-ixtiraam la’aan ku dhammaan doonta guul-la’aan.

Nelson Mandella, iyo Cabdiraxman Cirro waxay hoggaaminta innagu barayaan casharo bulsheed oo waaraya, ahna in saaxiibbada halganka siyaasaddu ay ku qancaan in dagaalkani yahay koodii, si ay u dareemaan masuuliyad iyo halgan la mid ah kan hoggaamiyaha, sidaasna lagu xaqiijiyo guusha. 

Hoggaamiyaha marka uu mucaaradka yahay leh in uu kursiga danbe wax ka hoggaamiyaa wuxu leeyahay awwoodda uu si fudud dalka uga hoggaamin karo marka uu Madaxweyne noqdo. 

Iga dhan. 

Abdirashid Jeeni

Hargeisa, Jamhuuriyadda Barakaysan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso