Gudaha ka kahri Warsaxaafadeed: Dallada guud ee qurbajooga Khaatumo KDO Oo buuxda u taageeray heshiiskii hordhaca ahaa ee Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxexdeen Magaalada Hargaysa

:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::WAR SAXAAFADEER KA SOO BAXAY DALADA GUUD EE KHAATUMO DIASPORA ORGANIZATION (KDO) 25 JUUN 2017
:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Ku: Bulshada reer Khaatumo
Ku: Bulshada reer Somaliland
Og:Maamulka Puntland
Og:Dawladda Federaalka Soomaaliya

Kadib markii Jaalliyada guud ee Khaatumo Diaspora Organization (KDO) wadatashi la yeelatay maamulka Khaatumo State maanta oo ay bishu tahay 24 Juun 2017 waxay go’aan ku gaadheen inay si buuxda u taageeraan heshiiskii hordhaca ahaa ee maamulka Khaatumo State iyo Somaliland ku kala saxeexdeen magaalada Hargeysa 17 Juun 2017. Heshiiskani wuxuu ka turjumayaa baahida loo qabo in nabad iyo xasilooni waarta laga dhaliyo gobolada waqooyiga Soomaaliya ee la isku odhan jirey (British Somaliland Protectorate) bulshada goboladaas ku dhaqana ee ood wadaagta ah loogu horseedo horumar iyo wax wada qabsi.

Haddaba Dhammaan Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay halkan idiinku soo gudbinayaan war saxaafadeedkan:

1. Maadaama Federalka Soomaaliya uu ku kooban yahay Koonfurta Soomaaliya oo keliya, Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay hoosta ka xariiqayaan in maamulka Khaatumo uu yahay maamul ka mid ah maamulada ka jira Waqooyiga Somaliya uuna diyaar u yahay inuu qaab Federal ah wax kula qeybsado maamulka Somaliland.

2. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay si buuxda u taageerayaan dadaalka socda ee lagu midaynayo maamulka Khaatumo State iyo Somaliland, iyo heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu gaaray magaalada Hargeysa 17 Juun 2017.

3. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay taageerayaan shirka wadatashiga ee maamulka Khaatumo iyo Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka dhaco magaalada Burco 10 Luulyo 2017.

4. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan bulshada reer Khaatumo inay maanta isku tashadaan oo Isim, aqoon yahan iyo shicib is garab taagaan maamulka keliya ee ay leeyihiin ee Khaatumo State, qof kastaana ka qeyb-qaato sidii loogu diyaar garoobi lahaa, loogana midho dhalin lahaa wada hadalka Khaatumo State kula jirto maamulka Somaliland.

5. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan maamulka Puntland inuu ka waantoobo oo si dhakhso leh u joojiyo faragelinta iyo hagardaamada uu ku hayo maamulku Khaatumo.

6. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan dawlada Dhexe ee Soomaaliya inay taageerto midnimada waqooyiga Soomaaliya, kana digtoonaadaan inay Puntland garab ku siiso hagardaamada iyo carqalada ay ku wado bulshada iyo maamulka Khaatumo.

7. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay soo dhaweynayaan inay walaalahooda Jaalliyadaha Somaliland Diaspora ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa dadaalka ay wadaan Khaatumo iyo Somaliland kaas oo ay ku doonayaan inay dhidibada ugu taagaan dowlad federal ah oo ay ku midoobayaan gobolada Waqooyi taas oo bulshada u horseedi doonta walaalnimo, horumar, wax wadaqabsi iyo hanaan reer Waqooyinimo.

Golaha sare ee Jaaliyadaha
Khaatumo Diaspora Organization(KDO)

Wabillaahi Tawdiiq

Waxaa warmurtiyeedkan si wadajir ah u saxeexay golaha Fulinta iyo golaha Sare ee Khaatumo Diaspora Organization(KDO):

Gudidda Fulinta KDO

1. Eng Mohamed Jebril
2. Amiir Ahmed Jama Gabalaax
3. Abdirisaq Tallman.

Gudidda Sare ee KDO (Board)

1. Mohamed Bulaale
2. Abdikadir Aidid
3. Mohamed Jebril
4. Rashid Hambuuse
5. Farah Jibaar
6. Ubah Olol
7. Kinsi abdi
8. Abdi Issa
9. Abdiqani Dabayl
10.Abdalla Shafay I


  • p

Advertisement

Ku Xayeysiiso