Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethopia Oo Shacabka Jigjiga La Tukaday Salaadda Ciida + Sawiro

Waxaa maanta si balaadhan oo farxadi kudheehan tahay looga ciiday guud ahaanba deegaanka soomaalida itoobiya ciida barakaysan ee ciidul fidrida,  iyadoo boqolaal kun oo kunool caasimada jigjiga ay si wada jir ah ugu tukadeen barxada wayn ee garoonka ciyaaraha kaladuwan ee magaalada jigjiga halkaas oo mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku wehelinayaan afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq, golaha wasiirada DDSI  iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan ay kulatagadeen shacabwaynaha caasimada DDSI ee  jigjiga.

Hadaba, kahor intaan salaada lagalin ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar halkaa kasoo jeediyay hadalo muhiim ah isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidal fidrida  islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kugaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn. Madaxwaynaha ayaa sheegay in cadawga 1aad ee deegaanku yahay saboolnimada taasi ooy xukuumada DDSI dajisay qorshayaashi lagu tir tirilahaa saboolnimada laguna gaadhilahaa horumar waara oo joogtaysan iyo isku filnaansho dhinaca kasta leh. Madaxwaynaha ayaa sheegay in shaqo abuurka dhalinyarada ay xukuumada xooga saartay si loo dabar-jaro saboolnimada iyo dulsaarnimada, dhinaca kale waxa uu madaxwaynuhu sheegay in xukuumada DDSI munaasabada barakysan ee ciidal fidrida darteed u cafisay maxaabiis dhan 1426 xubnood oo maxaabiis ah

Waxaa iyana kahadlay munaasbadii salaada ciida mas’uuliyiinta golaha arimaha islaamka iyo masjidul aclaha oo kawarbixiyey fadaa-isha ay leedahay munaasabadan ciidal fidridu kuwaasi oo shacabwaynaha ugu duceyay in uu illahay ka aqbalo cidaadadii iyo soonkii ay soo guteen kuna booriyay shacabka in ay sii xoojiyaan cidaadada iyo allah ka cabsiga iskuna naxariistaan.

Ugudanbayna, shacabwaynihii salaada ciida isugu yimid oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in nabad ay kuciidaan kadib markii ay sooguteen soonkii bisha ramaadaan ee barakaysnayd.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso