Shirkii Khaatumo Iyo Somaliland Guul mise Guul darro

Shirkii Khaatumo iyo Soomaaliland Guul mise Guul Darro

Si loo loo helo Soomaaliland dhammeystiran waxa lagama maar maan ah Heshiis laga gaadho Arrimaha Gobolada Bariga Gaar ahaan Beesha Harti(Dhulbahante+Warsangeli).

Waxa aynu Muddo Warbaahinta ka arkeynay Wada hadallo dhex-maraya Soomaaliland iyo Khaatumo(Dhulbahante).Wadahadalladaasi waxa ay ka qabsoomeen Meelo dhowr ah Sida Waddanka Gudihiisa, Ethiopia iyo Imaaraatka Carabta.Aakhirkii labada dhinac waxa ay isku Afgarteen in loo wada hadlo Khaatumo iyo Soomaaliland.ama haddii aan si kale u dhigo Beesha Isaaq iyo Beesha Dhulbante.

ugu Danbeyntiina Waxa labada dhinac isla gaadheen heshiis ah in la helo Soomaaliland la wada leeyahey.

Haddii aad u dhabbo gasho dhinac-yada Wada hadlayey waxa kuu baxeysa in ay Wada hadlayeen laba Group oo aan ka turjumayn Xalka loo baahan yahey in la gaadho arrinta.

Sababahan Hoose ku qoran dartood

1:Dhinaca Beesha Bari uma ay dhammeyn Shirka iyadoo Beesha WARSANGELI aaney kaba soo xaadirin Wadahadallada

2:iyada oo aaney Ka soo xaadirin Garaadadii iyo Madax dhaqameedayada Beel-weynta Dhulbahante iyo kuwa Warsangeli mikoodna

3:Iyada oo aaney ka soo xaadirin intii badneyd  Siyaasiyiinta Dhulbahante haddii ay noqoto kuwa Aaminsan Soomaaliland iyo Haddii ay noqoto kuwo diidanba

Dhinaca Soomaaliland haddii aynu Eegno Waxaa kuu muuqana

1:In aaney ka soo Xaadirin Rukumadii Siyaasadda Soomaaliland,Sida Guurtida, Parliamentka iyo Siyaasiyiinta Ruug Caddaaga ah ee ka midho dhalin kara heshiis noocan oo kale ah

2:in aan aaney Muuqan dowrkii uu ku yeelan lahaa Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo

3:in aaney ka soo Xaadirin gebi ahaanba Madax-dhaqameedkii Soomaaliland

YAA WATEY SHIRKA

Shirka waxa watey Koox uu hogaaminayo Cali Khaliif oo aan ka turjumayn  Beel weynta HARTI iyo ta DHULBAHANTE midnaba

Dhinaca Soomaaliland Waxa watey Koox uu hogaaminayey Maxamed Kaahin oo aan ka turjumayn Soomaaliland iyo Beesha Isaaq  Midnaba.Xitaa waxaynu odhan karnaa Xisbiga Kulmiye kama wada Muuqan Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed iyo Wadahadalka Khaatumo Iskaba daa Xisbiyada Mucaaridka ah Marka laga reebo FaysaL Cali Waraabe oo isagu Shanadada keligii ku sita Xisbiga UCID

Sida aan u arko Xalka Wada-hadal Midho Dhal ah.

1:Khilaafka Khaatumo iyo Soomaaliland Waxa uu Salka ku hayaa Dhaqan kaasi oo ah in Beesha Hart(iDhulbahante- Warsangeli ) ka Biyo-diisan tahey Soomaaliland Sidaa darteed Waxa lagama maar-maan ah in ay Qeyb ka ahaadaan Wada hadalka Madax Dhaqameedka labada dhinac waa Beesha HARTI iyo Beesh ISAAQ waa haddii la rabo laga badheedho Arrinta Xal Waarana loo helo.

2:Waa in uu muuqdo Dowrka uu ku leeyahey Madaxweynaha Qaranku.

3:Waa in la dhegeysto Tabashoonka iyo Caddaalad Darrada ay tisaneyso Beesha Harti.

Ibrahim Deria

London:UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso